9 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Yemen iyo Masjid ku yaala Libya oo la weeraray

159

Ugu yaraan 9 qof oo hal qoys ka tirsan 3 haween iyo 6 caruur ah ayaa ku dhimatay duqeyn ay dalka Yemen ka fuliyeen xoogagga isbaheysiga carbeed ee uu hogaaminayo Sacuudiga, duqeynta ayaa ka dhacday goblka Sacdah ee waqooyiga Yeman.

Sidoo kale duqeymaha ay geysteen  isbaheysiga ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay dhaawacyo, xilli ciidamada dowladda Yeman iyo kooxaha iska caabinta ay horumarro ka sameynayaan furimaha dagaalka.

Inta badan duqeymaha ay geystaan isbaheysiga carbeed oo uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa waxyeellada ugu badan waxay ka soo gaartaa dadka shacabka ah.

Dhanka kale

Mas’uuliyiinta dalka Libya ayaa waxay sheegeen in qaraxaan ay waxyeello ay ka soo gaartay dad ku tukanayay masjid ku yaallo magaalada Benghazi ee bariga Liibiya .

Bartilmaameedka weerarkaan ayaa waxuu ahaa  hogaamise sare oo ka tirsan ciidamada  hoggaamiyaha Khaliif Xaftar ee ku sugan bariga dalkaasi.

Ilo caafimaad ayaa sheegay in todobo qof ay ku dhinteen weerarkaan qaraxa loo adeegsaday, balse dhanka kale hogaamiyaha qabaliga ah ee Saalax Al-adyuush oo isbaheysi la ah Khaliif Xaftar waxba ma soo gaarin.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday masjidkaan, tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii lagu riday hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamr Ak-qadaafi, Liibiya waxay u go’go’day shabakado ku xiran hogaamiyo koo xeedyo.