906 muhaajiriin ah oo lagu qabtay xeebaha dalka Libya

283

thumbs_b_c_d1b15bfce4c167cde6fe51958a7f3a5c

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa gacanta Ku dhigay in ka badan 906 muhaajiriin ah oo doonayay in Libya ay kaga sii gudbaan dalalka Yurub.

Afhayeenka ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya Ayuub Qaasim ayaa sheegay in dadkan lagu soo qabtay howlgalka Jimcihii ka dhacay meel 7 KM ( 6.6 Mail) magaalada Halbeedka dalka Libya Ku taala ee Samratha.

Kornil, Ayuub Qaasim afhayeenka ciidamada badda Libya ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay ay ahaayeen 906 qof.

Dadkan ayaa waxaa ka mid ahaa 92 haween ah iyo 26 carruur ah.

Dalka Libya oo marxalad dagaal galay tan iyo 2012 kii xilligaasi oo la riday hogaamiyihii mudada dheer maamulayay ee Mucamar Qadaafi.

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay dalka Libya ayaa Marin u noqday muhaajiriin Afrikaan ah kuwaasi naftooda galiya qatarta badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa baddaasi Ku dhintay dad ka badan 10 kun oo qof.

Yurub ayaa waxaa qarqiyay qaxooti malaayiin ah kuwaasi oo ka cararaya dagaalada ka taagan dalalka Afghanistan, Suuriya, Ciraaq iyo kuwo Ku yaala qaaradda Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay.