A-lfanaan Mohamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday Dalka Jarmalka.

332

kkkkkAllaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal ku yaal dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka, oo in muddo ah ku xanuunsayay.

Geerida Fanaanka waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Suleymaan Rubeec, isagoo sheegay in mudadii uu isbitaalka ku jiray labo jeer qaliin lagu sameeyay.

Allaha u naxariistee Fanaanka ayaa ka xanuunsanayay dhinaca Sambabada, iyadoo dhowr jeer laga daweyay xanuunkaas sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa fanaaniinti loogu jeclaa dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa heeso wadani iyo kuwa kale oo uu xiliyo kala duwan ku luuqeeyay, waxaana uu ahaa nin magac iyo maamuus ku dhex lahaa umada Soomaaliyeed.

www.xaqiiqa.com