Aadan Cabdulle iyo Goobaha Loogu Magac Daray

W/Q: Cabdi Xaaji Goobdoon

Muqdisho waxaa ku yalla Isbitaal loogu magacdaray Adan Cabdulle Cismaan, ugu horreyn aan is-weydiine Adan Cade kumuu ahaa. Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya oo ka mid ahaa raggii halgankii gobannimo-doonka horseedka ka ahaa. Wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horreeyey Barlamaankii wada tashiga (Consiglio teritoriale) 1956dii oo gaarsiinayay dalka madaxbannaanida.

1960kii Aadan Cabdulle, Barlamaankii cusbaa ee lasoo doortay ee rasmiga ahaa waxa uu u doortay Madaxweyne Kumeel Gaar ah intii Dastuurkii Qaranka laga ansixinayay. 1961dii waxaa loo doortay Madaxweynaha rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib kolkii la ogolaaday dastuurka qaranka.

Muddadii 7da sano oo uu dalka hogaaminayay waxa uu dowr weyn ka ciyaaray siyaasadda gudaha iyo dibadda. Dowladdiisii waxa ay cod weyn ku lahayd aasaaskii ururka midnimada Afrika isaga oo gacan saar la lahaa Madaxweynihii Gaana Nakruma, Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir iyo kuwa kale. Wuxuu kale oo uu lahaa Aadan Cabdulle hindisihii aasaaskii ururka ay ku bahoobeen dowlaha Islaamka. Sidoo kale waxa uu gacan weyn kulahaa aasaaskii ururka wadamada dhexdhexaadka oo ahaa dalalkii aan syaasad ahaan raacsaneyn bari iyo galbeed ee lagu dhisay Belgrade, Yuguslavia. Raga aasaasay waxa ay ka koobnaayen Aadan Cabdulle Cismaan, Jamaal Cabdinaasir, Marcel Tito, Nehru.

Siyaasadda gudaha, Aadan Cabdulle waxa uu dalka ku hogaaminayay siyaasad daggan oo miisaaman marka laga eego dadka Soomaalida sida ay u kala degganyihiin. Waxa uu ahaa nin la tashi badan, aadna uga fiirsada tallaabooyinka uu qaadayo halka ay ku habboonyihiin. Dalka oo da’ yar 1964tii, waxaa soo weeraray Boqortooyadii Xabashida oo qarniyaal badan madax bannaaneyd, ciidan xooglehna lahayd. Uma suuragelin xoogagga gumeysiga ee dalka soo weeraray in ay hal kiiloo mitir dalka ka qabsadaan, waxa ayna taasi ku suura gashay dhiirrigelintii iyo wacyigelintii difaaca ciidanka xoogga dalka oo 4 sano jiray. Ujeedada Xabashida waxa ay ahayd in carqaladeyso doorasho guud oo dalka ka dhaceysay. Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Cabdirashiid Cali Sharmarke oo kamid ahaa halgamaayaashii gobannimo doonka oo shacabka Soomaaliyeed la hadlaya ayaa waxa uu u sheegay in ay dalkooda daafacaan. Hal kudhiggii uu shacabka ugu baaqay waxa uu ahaa, gacanna dalka ayaan ku daafaceynaa, gacanta kalena codka ayaan ku bixineynaa. Ereyadaas waxa ay xoojiyeen midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, laguna caabiyay cadowgii soo duulay.

Sidaa darteed, shakhsigaas waxa uu dalka ku leeyahay taariikh weyn oo aan lagu soo koobi karin dhawr qormo hase yeeshee u baahan marka laga hadlaayo taariikha Aadan Cabdulle qormooyin waaweyn oo tixane ah Alle ha u naxariistee. Aadan Cadde waxaa lagu magacaabay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho. Fikraddaas waxaa lahaa in garoonka loogu magac daro Cabdi Xaaji Goobdoon. Waxa ayna fikraddaas ku timid, Gobdoon oo ahaa afhayeenka xukuumadda oo uu socdo shirka golaha wasiirrada ayaa waxaa telefoon loo soo diray Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Cali Maxamed Geeddi. Telefoonkii ayuu dibadda ula baxay, waxa uuna hoolka shirka kusoo laabtay isaga oo wada dhiillada geeridii Aadan Cabdulle Cismaan. Waxa uu Wasiirradii fadhiyay hoolka uu u sheegay in shirku hakad gelay, macluumaad dheeri ahna uu sugayo si loo qorsheeyo qabanqaabada aaska Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan.

Markiiba waxaa soo dhacay telefoonkii, Ra’iisul Wasaarahana dibadda ayuu mar kale ula baxay. Intii uu maqnaa ayuu Gobdoon oo afhayeen ahaa si hoose ugu sheegay fikradda in garoonka Muqdisho loogu magac daro xubno golaha ka tirsanaa oo ay kamid ahaayeen Cali Jaamac Jangeli, Tarrax iyo Xuseen Ceelaabe Faahiyo oo markii uu Mudane Geeddi soo noqday u  jeediyay in Garoonka loogu magac daro si ay golaha kulankiisa uga soo baxdo farriin culus oo u qalanta halgankii Aadan Cabdulle.

Waxaa hadaba Muqdisho ku yaalla Isbitaal loogu magac daray Aadan Cabdulle Cismaan oo uu wax ka maamulaan Prof. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Prof Maxamuud Saahid.  Waxaan bukaan jiif u ahaa isbitaalkan 7 casho taas ayaana keentay inaan xog ogaal u noqdo howlaha Isbitaalkan. Sidaa daraadeed waxaan amaan iyo mahadnaq u jeedinayaa maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalkan lagu maamuusay shakhsi dalkeenna taariikh iyo maamuud ku leh.

Haddaba waxaan talo ku soojeedinayaa in shacabka Soomaaliyeed si ay u hantaan dowladnimadii ay gacmahooda ku burburiyeen in looga sheekeeyo oo dib loo xusuusiyo halyeeyadii xornimada u dagaallamay oo maalkooda iyo naftooda u huray. Waxaa kale oo aan soojeedinayaa in la dhiirrigeliyo, la xoojiyo, laguna taakuleeyo dhaqaale iyo qalab casri ah Isbitaallada dalka ku yaalla ee gaarka loo leeyahay oo aan hubo hadii dhakhaatiirta ka hawlgala ay intaa helaan in ay buuxin karaan baahida caafimaad ee bulshadeennu qabto.

Aadan Cabdulle Cismaan waxaa haatan magaciisa ku shaqeeya Garoonka Caalamiga ah iyo Isbitaal oo labaduba ku yaalla Muqdisho. Waxaa uu mudanyahay intaa iyo in ka badan maadaama uu yahay aabaha umadda Soomaaliyeed ee bubdhigay nidaam dowladeed oo dimuqraadiyad ku saleysan xilli Afrikada kale ay ka socdeen xukun marooqsi iyo kaligii talisnimo. Aadan Cabdulle wuxuu tagay taariikh hodan ah, Soomaaliyana waa ay xasuusan doontaa xilli walba.