Abaar ku sii baaheysa gobolladda Soomaaliya

292

Abaar ku sii

Abaarta oo markii hore ku dhufatay deegaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa iminka ku sii baaheysa shan gobol oo kale kuwaasoo kala ah Gedo, Bakool, Hiiran, Galguduud iyo Mudug.

Dadka ay abaartu saameyska ba’an ku yeelatay ayaa dalbanaya in lala soo gaaro biyo, cuno iyo daawooyin deg deg ah inta aysan xaaladdooda nololeed ka sii darin, balse hey’addaha samafalka caalamiga ah ayaa sheegaya in aysan u sahlaneyn tagitaanka gobolladdaasi qaarkood si ay u caawiyaan dhibaneyaasha abaartu haysato waxayna leeyihiin waxaa jira jid gooyooyin sharci daro ah oo u yaala xarakada Shabaab iyo amni xumo gaabis ka dhigeysa hawlaha gargaarka dalka Soomaaliya.

Mar sii horeysay ciidamadda dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa heegan la geliyay si ay uga qayb qaataan hawlaha gurmadka, balse waxay waayeen wax gargaar maangal ah oo ay galbiyaan sidaasi awgeed ayey xukuumaddu markale ka codsatay Qaramadda Midoobay iyo caalamkaba in ay gacan ka geystaan sidii loogu samafali lahaa dadkaasi ay dhibaataddu ku dul degtay.

Dhanka kale bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in guddigga gaarka ah ee abaaraha wadaankaasi uu soo gaaray codsi ahaa in Soomaaliya wax lagala qabto cuno yarida iyo abaarta ka taagan.

Bishii la soo dhaafay Qaramadda Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay ka dhacdo macluul aad u baahsan, iyagoo daraasad ay sameeyeen ku sheegay in qeybo ka mida magaallooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garoowe iyo kuwo kale ay ka jiraan xaalladdo nafaqo daro, urrurada gargaarkuna aysan dabooli karin baahida guud ee barakacayaasha Soomaaliya.

Sanadkii 2011-kii inta la ogyahay 260000 oo qof, oo kala barkood carruur ahaa, ayey abaari galaafatay.