Abaaro Sababay dhimashada in ka badan 20 qof oo ka taagan gobalka Bakool

240

abaarWararka laga helayo  degaanka Buurdhuxule oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay dad ugu dhinteen Gaajo  iyo haraad ay sababtay Abaarta ka jirta degaankaasi.

Dadka degaanka Buurdhuxule ayaa Warbaahinta u sheegay in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen degaankaasi.

Degaaanka ayaa la sheegaya in ay ka jirto biyo yari aad u baahsan oo sameyn ku yeelatay dadka duunyada.

 Sidoo kale dad badan oo ka mid ah dadka degan Tuulooyinka Hoosyimaada degmada Waajid ayaa la sheegaya in ay ku xoolo beeleen Abaarta.
Qaramada Midoombay  ayaa maalmo ka hor sheegtay in abaarta Soomaaliya ay tahay mid aad u daran cabsi wayna laga qabo bilaha soo aadan in abaartu ay keento dhimasho iyo macluul kale.
Abaarta ayaa ah mid aan gaar ku  ahayn Soomaaliya, hase yeeshee dalalka dariska oo ay Kenya ka mid ah tahay ayaa dhowaan ku dhawaaqay xalaad adag oo dhanka abaarta ah.
Qaramada midoobay ayaa dalbatay Malaayiin doolarka maraykanka si wax loogu qabto abaarta baahsan ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan gobalada dhexe iyo waqooyi ee Soomaaliya.
Mudada ay jirto abaartan ayaa gobalada qaarkood waxaa laga soo waryay in dadka markii ay xooluhu ka dhamaadeen inay bilaabeen inay gooyaan naftooda.
Abaartan ayaa ah mid lala barbar dhigayo tii Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2011 kii xiligaasi oo dad faro badan oo carruur u badan ay abaarta u geeriyoodeen