Abuu Masuur oo Baydhabo lagu soo dhoweeyay (Sawiro)

358

Wafdi uu ka mid yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee dhaqdhaqaaqa al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Wafdiga waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa si wayn wafdiga ugu soo dhoweeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Hoos ka daawo sawirada sida Baydhabo loogu soo dhoweeyay wafdiga Sheekh Mukhtaar Roobow.