Addis Ababa oo lagu gaaray dib u dejinta qaxootiga Soomaaliya

553

Qaxootida

Ka qaybgalayaasha kulan wasiireed ay wax ka shir guddoominaysey hey’adda qaxootida ugu qeybsan Qaramadda Midoobay ee UNHCR oo lagu qabtay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayey ku ballan qaadeen masuuliyiintu xal u helida boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah, waxayna sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka taageero siinta dawladda Soomaaliya si ay u xaqiijiso hawlaha nabadda iyo horrumarka.

Baaqaasi, ayey ku dhawaaqeen kaddib war murtiyeed laga soo saaray dhammaadka shirka oo ay ka qaybgaleen madaxa UNHCR António Guterres iyo wasiiro ka socday Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Yemen, kuwaasoo martiggelinaya qiyaastii hal milyan oo qaxooti Soomaali ah. Waxaana kulankaasi goobjoog ahaa wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya iyo ergo ka socotay IGAD iyo Midowga Afrika.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa Soomaaliya, gobolka geeska Afrika iyo saaxiibbada caalamka si looga jibo gaadho ballan qaadka iyo heshiisyadaasi la galay, iyadoo lagu saleynayo nolol macno weyn u sameynaysa qaxootiga Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri bayaanka UNHCR.

Inkastoo caqabado dhinaca ammaanka ah ay imminka jiraan, haddana madaxda Afrika iyo UNHCR waxay guddoonsadeen inay taageero siiyaan qaxootiga dib ugu noqonaya Soomaaliya.