Adeegyo Caafimaad oo bilaash ah oo lagu maamuusayo Sanadguuradii 1-aad ee Madaxwayne Farmaajo oo laga fuliyay Muqdisho (Sawiro)

252

Muqdisho Maanta waxaa laga dareemayaa Sanadguuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku beegneyd Maanta oo kale 8,dii Bishii Sanadkii tegay ee 2017.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Teendhooyin uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo,waxana ku sugan tiro kalkaaliyaal ah kuwaas oo dadka u sameynaya Gurmad Caafimaad oo lacag la’aan ah.

Dadka ka faa’iideysanaya howlahaan Caafimaad ayaa safaf dhadheer ugu jira iyaga oo isugu jira kuwa aan lixaad kooda u dhameystirneyn iyo kuwo qaarkood ku jira Xerooyinka Barakac eek u yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda kuwas oo an awoodin lacagihii ay ku yegi lahaayeen Isbitaalada.