Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa maanta waxaa ka bilowday wajiga Seddexaad ee doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya.
Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa helay xubnaha ugu badan ee Baarlamaanka Aqalka Hoose, waxaan laga rabaa inay soo doortaan 69 mudane.
QM midoobay ayaa K/galbeed horay ugu amaantay ilaalinta qoondada haweenka.
Maanta oo Sabti ayaa waxaa Baydhabo lagu doortay 4 xildhibaan oo labo kamid ah Haween yihiin.
Habada waa kuwan xubnaha maanta la doortay.
1- maryan Isxaaq waxaa ay heshay 50 cod.
2-Gen. Shariif Sheekhunaa Maye waxaa uu helay 43.
3-Muno Sheekh Cumar waxaa ay heshay 43.
Maxamuud Nuuraani Bakar waxaa uu helay 43.