Afar xildhibaan oo labo ka mid ah ay haween yihiin oo Muqdisho lagu doortay

218

Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Isniin waxaa dib uga bilaabatay Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.

Ilaa iyo hadda waxaana maanta  la doortay ilaa 4 Mudane.

Kursiga Koowaad waxaa ku soo baxday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Federaalka Sahro C/qaadir C/raxmaan, waxaana ay heshay codad gaaraya 48 cod.

Kursiga 2 baad waxaa ku soo baxay Jamaal Xasan Ismaaciil, oo horey uga mid ahaa Baarlamanka waqtigiisa uu dhamaaday, waxaana uu helay codad gaaraya 40 cod.

Kursiga 3 xaad waxaa ku soo baxday Faadumo Xasan Cali oo heshay codad gaaraya 49 cod.

Kursigii Afaraad uu ku soo baxay C/laahi Ismaaciil Ducaale, oo helay 45 cod.

Farduus Maxamed Ducaale, oo xubin ka ah Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Muqdisho.