Afar xildhibaan oo maanta lagu doortay Jowhar

319

Doorashada Aqalka Hoose oo maalmo ka dib dib uga bilaabatay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Guddiga doorashooyinka heer Federal ayaa horay u hakiyay doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka dib markii lasoo sheegay in magaalada ka dhaceen rabshado liddi ku ah hanaanka doorashooyinka.

Ammaanka Magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay  sida uu soo sheegayo wariye  Axmed Saadaq Yarow oo kusugan xarunta doorashada , ciidamo ka tirsan kuwa Amisom ayaa la geeyay xarunta doorashada.

Ilaa iyo hadda waxaa lagu tartamay 5 kursi,ayadoo 4 ka mid ah natiijadooda lagu dhawaaqay.

Kursiga Koowaad waxaa maanta Ku soo baxay Maxamed Maxamuud Siisey, ka dib markii uu u tana-sulay Mustaf Maxamed Cismaan, waxaana sidaasi uu Ku helay 51 cod oo gacan taag ahaa.

Kursiga labaad ayaa waxaa Ku tartamay Samiiro Xasan Cabdulle iyo Saciido Maxamed Xaashi, waxaana soo baxday Samiiro, oo heshay 51 cod halka  Saciido aysan waxba helin.

Kursiga 3 xaad ayaa waxaa Ku tartamay Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Sheekh Cabdullaahi Cubayd Ciid, waxaana guulaystay Cabdullaahi Colaad Rooble oo Ku badiyay Hal cod.

Kursiga 4 aad waxaa Ku tartamay 3 xubnood oo kala ahaa C/llaahi Aadan, Yuusuf Xuseen Axmed iyo Bashiir Macalin.

Kursigaasi waxaa Ku guulayatay Yuusuf Xuseen Axmed oo helay 29 cod halka xubnaha la tartamayay ay kala heleen Bashkir Macalin 0 Cabdullaahi Aadan 21.

Haatan waxaa lagu tartamayaa kursiga 5 naad kaasi oo noqday kii ugu adkaa maanta, maadaama loo baahday wareeg labaad.