Afgooye oo faahfaahin ka soo baxayso dagaalkii

305

Ciidan-dawladdeed6

Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in faahfaahinno dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamadda dawladda oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya, kaasoo ka dhacay habeenkii xalay deegaanka Sabiib ee duleedka degmadaasi Afgooye.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi ayaa ku warramay in dagaalku uu bilawday kaddib markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku soo qaadeen saldhig ay ciidamadda isbaheysigu ku lee yihiin deegaankaasi Sabiib.

Sarkaal u hadlay ciidamadda huwanta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay jiraan khasaare dhaawacyo u badan, balse ma aanu sii shaacin inta uu gaadhsiisan yahay khasaarahaasi.

Dhinaca kale, xaaladda guud ee deegaankaasi ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deggan tahay, iyada oo ay weli halkaasi ka hawlgallayaan ciidamaddu.

Shabaab ilaa iyo imminka si rasmi ah uga ma aysan hadlin haddii uu jiro khasaare ka soo gaadhay dagaalkaasi.