Afgooye oo uu ka dhacay qarax khasaare geystay

185

AfgooyeKu dhowaad 10 qof oo badankood shacab yihiin ayey dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen qarax loo adeegsaday miino la geliyay suuq mashquul badan oo ku yaala gudaha Afgooye, waxaana sida la sheegayo uu bartilmaameedku ahaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda degmadaasi, balse wuu ka samatabbaxay qaraxaasi.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi waxay warbaahinta u sheegeen in labo ka mid ah dhaawacyadaasi oo aad u liita markii danbe loo soo qaaday cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay dhaqaatiirtu kula tacaalayaan.

Ilaa iyo imminka ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, inkastoo ay weli ciidamadda maammulku baaritaanno ka wadaan degmada Afgooye ee gobolkaasi Sh/hoose.