Afrika oo afjareysa arrimaha Soomaaliya

233

Peacekeepers from AMISOM patrol around Hodan district in the capital Mogadishu

Askarta ciidamadda nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay isaga baxaan muddo labo sanno gudahood ah sida lagu sheegay qorshe cusub oo loo dejiyay hawlgalka AMISOM. 

“Dhawaan daraasad ay sameeyeen dalalka taageera AMISOM waxay go’aan ku gaadheen in Soomaaliya degdeg loo xasiliyo si loo soo afjaro hawlgalkaasi dhammaadka 2016.” Sidaasi waxaa laga soo xigtay Lydia Wanyoto oo ah ku simaha wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ms. Wanyoto waxay kaloo sheegtay in Soomaaliya ay cagta saartay tubta nabadda iyo degganaashaha, balse bay tiri weli looga baahan yahay dawladdaha ay ciidamaddu ka joogaan inay si rasmi ah u xaqiijiyaan dhammeystirka hawlgalkooda. Iyada oo dhinaca kalena ku boorisay dawladda federaalka Soomaaliya inay kusii talagasho la wareegista hawlaha kusoo fool leh.

Ciidamadda AMISOM oo ka kala socda Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana ayaa ka saaciddaya dawladda Soomaaliya soo celinta nabadda iyo kala danbeynta dalka.