Agaasimaha wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo xilka laga qaaday

282

Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, isagoo magacaabay ku sime cusub.

Warqad ka soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.

Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknooliyada ayaa waxaa loo magacaabay C/raxmaan Macalin Caddow, inta laga soo magacaabayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Hoos ka akhriso warqadda xilka looga qaaday agaasimaha

ww