Akhriso: Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo lagu dhawaaqay

360

Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay maanta oo Talaado ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 24 bisha Janaayo.

Ku dhawaaqidda guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ayaa timid ka dib markii kulan Magaalada Muqdisho  ay ku yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Madaxwaynaha waxaa uu ka kooban yahay 16 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

10 ka mid ah guddiga Doorashada waxaa ay ka yimaadeen Golaha Shacabka iyo lix ka laga keenay Aqalka Sare.

Haddaba hoos ka akhriso magacyada guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha Dalka.

gudiga