Akhriso khudbadii Farmaajo uu maanta ka jeediyay Baarlamaanka

811

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Guddoonka laba gole; Mudane Maxamed Sh. Cisman “Jawaari” iyo Mudane
Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennadooda, Guddiga labada gole ee
doorashada Madaxweynaha, xildhibaanada sharafta leh, taliyayaasha
ciidamada, goobjoogayaasha caalamiga ah, warbaahinta, martida kale ee
halkaan fadhida iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee sida tooska ah
igala socota warbaahinta kala duwan waxaan idinku slaamayaa ASC, WRX,
WBRK.
Xubanaha Barlamaanka Labada gole waxaan marka koowaad idiinku
hambalyeynayaa kalsoonida ay idin siiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana
Alle idiinkaga baryayaa inuu idiin fududeeyo xilka weyn ee aad ummadda
Soomaaliyeed u qaaddeen.
MUDANAAYAAL IYO MARWOOYIN
Sharaf weyn ayay ii tahay inaan maanta labada gole iyo marti sharafta kale ee
halkaan isugu timid ka hor caddeeyo sababta aan isugu soo sharaxay
hoggaanka sare ee dalka afarta sano ee soo socota iyo halka aan doonayo
inaan dalka iyo dadka u geeddi geliyo marka aad codkiina i siisaan.
……..
Sidoo kale, waxaan maanta hortiina ka cadeynayaa qaabka aan u wajahayo
dhibaatooyinka baahsan ee dalka ka jira si aad iigula xisaabtantaan berrito.
MUDANAAYAAL IYO MARWOOYIN
Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, waxaanna jira:
 Amni darro baahsan
 Ciidankii qaranka oo aan daryeel ku filan haysan.
 Nidaamkii dhaqaalaha dalka oo burburay.

 Caddaalad darro iyo musuqmaasuq baahsan oo hareeyey hay’adihii
dawladda.
 Musiibooyin dabiici ah sida abaaro iyo fatahaado soo noqnoqda oo aysan
dowlad wax ka qabata jirin.
 Barakac joogto ah.
 Da’yartii Soomaaliyeed oo dalkoodii ka cararaya, iyo in kuwii soo noqon
lahaa ay ku soo dhiiran waayey dalkoodii hooyo.
Waxaa intaa ka sii daran oo aad markhaati ka tihiin in masiirkii dalka iyo
dadkuba ay khatar weyn ku jiraan, taas oo ay sabab u tahay xukuumadda oo
gabtay mas’uuliyaddeedii …….qaranimo……. tii umadnimo iyo tii
waddaninimaba……………
Dib-u-hanashada qarannimadeenna, iyo sharafta iyo karaamada ummadeed
intuba waa waajib saaran golayaasha dastuuriga ah.
 Maahan in shacabkeenu naga rajo dhigo !
 Maahan in caalamku nagu wiirsado !
 Mana ahan inaan baahideenna dhaaqaale iyo mida amni ku fillaan
weyno !
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si aynnu dhibaatada dalka ee inagu daba dheeraatay aynnu wax uga qabanno
waxaynnu u baahannahay isbdel dhab ah………….
Isbedelka aynnu doonayno maaha in qof qof kale lagu bedelo ama xukuumad
xukuumad kale lagu bedelo, Isbedelka aynnu u baahannahay waa in aynnu
beddelno hab-dhaqanka siyaasadeed ee xun ee soo noqnoqday:
 Waa in aynnu bedelno hab-dhaqanka siyaasadeed ee marka doorashada
la gaadho caanka noqotay ee ah “dawlad baa i wadata oo dadka ii jujuubaysa.

 Waxaynnu beddelaynaa dhaqankii siyaasadeed ee ahaa in shacabku
aysan dowladda wada shaqayn la lahayn.
 Waxaynnu beddelaynaa hab-dhaqankii caadada laga dhigtay ee ahaa in
barlamaanka la xiro, shaqadiisana la joojiyo sanadka ugu dambeeya ee
doorashadu soo dhowaato.
 Hab-dhaqankii siyaasadeed ee ahaa in mushaarka ciidamada,
shaqaalaha dowladda iyo kan barlamaanka aan loo arag xuquuq ay
leeyihiin ee loo arko hadiyad markay doonto madaxdu bixiso.
 Waxaynnu beddelaynaa dhaqankii siyaasadeed ee malaayiin doolar oo
dalka iyo dadkuba baahi weyn u qabaan lagu baabi’iyo mooshin dawlad
lagu ridayo ama mid lagu dhisayo.
 Waxaynnu beddelaynaa dhaqankii siyaasadeed ee madaxda dowladdu
caado ka dhigteen in ay safar ku dhammeeyaan waqtigii iyo hantidii
qaranka.
 Waxaynu beddelaynaa dhaqan siyaasadeedkii ahaa in aan xil la iska
saarin nolosha iyo amniga xildhibaannada ee keliya la xusuusta
maalinta mooshin loo baahanyahay ama loo tacsiyeeyo maalinta la dilo.
 Waxaynnu beddelaynaa in amnigeenna cid kale inooga masuul noqoto.
 Waxaynnu beddelaynaa hab-dhaqankii ahaa in dowladdu awooddeeda
ku cuburiso shacabkeeda halkii ay ugu adeegi lahayd.
Haddaba, Si aan u dhisno dowlad gudata waajibkeeda, una xaqiijin lahayn
himilooyinkeenna qaran, waxaan idinka codsanayaa inaad I siisaan codkiinna
si aan hormuud uga noqdo qabashada hawshaas muqadaska ah ee ina
hortaalla………. Jahaynta masiirka ummadeennu gacantiina ayuu maanta ku
jiraa, waxaanan ku kalsoonahay inaad si wada jir ah go’aan loo aayo u qaadan
doontaan.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN
Dhankayga waxaan ballan qaadayaa inaan kasoo dhalaalo dhammaan
waajibaadkayga dastuuriga ah oo ay ugu horeyso inaan soo magacaabo R/W.

soo dhisa xukuumad si buuxda ula shaqeysa gollayaasha dastuuriga ah………
xukuumad ka fog musuqmaasuq iyo laaluush.
MUDANAAL IYO MARWOOYIN,
Inta aanan wax idiinkaga sheegin barnaamijkayga siyaasadeed ee NABAD IYO
NOLOL ee hortiinna yaalla, waxaan rabaa in aan wax yar idinka xusuusiyo
ballamihii aan hadda ka hor qaaday markaan codsanayey kalsoonida
xukuumaddii aan Raysal wasaaraha ka ahaa 2011 aniga oo ka soo qaadanaya
kuwii ugu muhiimsanaa oo anigoo ALLE la kaashanaya aan sidaan u ballan
qaaday u fuliyey:
1. Xukuumaddii aan madaxdaka ahaa waxay 100 maalmood gudahood dib
u habayn ku sameeysey ciidankii qaranka, waxaanan u dhammaystiray
mushahaarkooda, tababarkooda iyo dhammaan daryeelkii ay dawladda
xaqa ugu lahaayeen.
2. Waxaan muddo yar gudaheed annaga oo Ilaahay kaashanayna aan
magaalada Muqdisho ka saarnay nabad-diidkii oo markaas haystay 70%
magalaada Muqdishu.
3. Waxaanu bilownay bixinta mushaharaadka ciidamada amniga,
shaqaalaha dawladda, iyo kii barlamaankii xilligaas jiray.
4. Waxaan dagaal adag la galnay musuqmaasuqa oo aan isbeddel ku
sameeyey hay’adaha dhaqaalaha, waxaanan kordhiney dakhligii
dawladda, taas oo ii suura gelisay in aan $7,500,000, ku xil wareejiyo
R/W iga danbeeyey ayadoo markii aan la wareegay xilka uusan 1$ ku
jirin khasnadda dowladda.
5. Waxaan dib u hawl gelinney teleshanka qaranka markii ugu horraysey
ilaa intii dawladdu burburtay.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN,
Waxaan si taas lamid ah maanta hortiinna ka ballan qaadayaa in aan dhiso
xukuumad fulisa arimaha ku xusan Barnaamij Siyaasadeedkayga NABAD IYO
NOLOL oo isaga oo faahfaahsan aad ka heli doontaan buugga la idiin qaybiyey,
waxaanse wax yar ka xusayaa qaybo ka mid ah: waxaan ballan qaadayaa:
1. Dhisidda ciidan Soomaaliyeed oo awooda inuu hanto amniga dalkeena;
lehna awood ciidan oo aan kaga kaaftoomi karro ciidamada shisheeye
annaga oo u marayna qaab aan ku wada kalsoonaan karno oo cidana
aysan u arkayn khatar iyaga ka dhan ah……….Inaan si sugan ugala
wareegno masuuliyadda amniga dalkeena waa sida kaliya ee aan uga
mahadcelin karro ciidamada AMISOM iyo inta kale ee na caawisayba.
Waxaan suurto galinayaa maalintaas farxada iyo rayn raynta mudan
inay dhacdo sida ugu dhaqsaha badan, uguna suurta galsan.
2. Waxaan ballan qaadayaa Cirib tirka nabad-diidka noocuu doonaba ha
ahadee, aniga oo kula dhaqmaya siyaasad saddex nooc ah:
a. In aan soo dhoweeyo inta ku qanacsan in ay dib uga laabtaan
fikirada khaldan loona sameeyo dhaqan celin buuxda si ay
nolosha dib ugu soo noqdaan.
b. In aan la dagaalamo inta ku sii dheggan fikradaha khaldan ee ay
bulshada Soomaaliyeed ku baabi’inayaan
c. Iyo inaan ka hortago wax allaale iyo wixii keeni kara inay
dhallinyarada Soomaaliyeed u dhego nuglaato fikradda khaldan
sida shaqo la’aanta, aqoon la’aanta iyo cadaalad darrada.
3. Waxaan dhisaynaa hay’addii Qaran ee la dagaalanka musuqmaasuqa si
adeegyada dawliga ah loo gaarsiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

4. Waxaan muhiimad weyn siinayaa dib u heshisiin qaran oo bulshada
Soomaaliyeed u dhantahay, si aynu innagoo midaysan u
dhammaystiranno hawlaha dastuuriga ah ee ina horyaalla.
5. Waxaan dhammaystirayaa wadahadaladii u dhexeeyey walaaleheenna
Somaliland iyo dowladda dhexe, wadadhadaladaas oo ay qayb ka noqon
doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee aan ku ekaan doonin koox
gaara.
Waxaa yididiilo leh in maanta labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya
ay Somaliland ka soo galeen dhalinyaradii dawlad la’aanta ku hana
qaaday, taasoo marag ma doonto u ah baahida loo qabo midnimada
ummadda Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan ballan qaadayaa in
xildhibaannada ka soo jeeda goboladaas ay qayb lixaad leh ka qaadan
doonaan wadahadallada gaar ahaan dhalinyaradu.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYINKA
Nidaamka Federaalka ee aan qaadanay wuxuu u baahan yahay in si rasmi ah
loo hirgaliyo. Hir-galinta ama dhaqan-galinta nidaamka federaalka ahi wuxuu
ka bilaabinayaa dib-u eegista dastuurka ku-meel gaarka. Sidaas awgeed,
Waxaa qorshayaashayda ugu waaweyn ka mid ah dhammaystirka dastuurka,
iyo in afti buuxda loo qaado.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYINKA
Dhinaca kale, caddaaladdu waa xariga kaliya ee mideyn kara, iskuna hayn
kara ummaddeena. Waa miisaanka ugu weyn ee shacabkeena iyo ummadaha
kalaba ku qiimanayaan dawladnimadeena. Waana hawsha ugu weyn ee dhisi
karta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dawladdooda.
Sidaas daraadeed, waxaa ii qorshaysan in aan dadaal qiro weyn galiyo sidaan
dib ugu dhisi lahaa nidaamkii iyo hay’adihii garsoorka ee dalka. Waxaanhirgalinayaa nidaam caddaaladeed oo awood u leh in dambiiluhu uusan
gabbaad ka dhigan qabiil ama fikir xagjir ah.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN,
Waxaan sidoo kale siyaasad qoto dheer ka leeyahay sida aan ula
macaamilayno caalamka intiisa, sida wadamada dariska ah, Afrikada kale,
Caalamka Muslimka, dunida carabta iyo dunida inteeda kaleba.
Siyaasaddayda arimaha dibaddu waxay noqonaysaa mid miisaaman oo dhex￾dhexaad ah annaga oo raacanayna halka ay ku JIRTO DANTA DALKA IYO
DADKA SOOMAALIYEED.
Waxaan xoojinaynaa doorkeenii aan ku lahayn urur goboleedka IGAD, iyo
ururada kale ee caalamiga ah. Waxaan bilaabaynaa inaan bixino khidmadii
xubinnimo ee aan mudada dheer ka baaqsanay taas oo na gaarsiinaysa inaan
ururadaas ku yeelano cod buuxa iyo in aqoon yahanadeenu ka qeyb galaan
hoggaanka sare ee ururadaas.
Waxaan si qoto-dheer oo ka fiirsasho leh u maareynaynaa danta caalamku
naga leeyahay iyo midda aan annagu ka leenahay caalamka dal ahaan si ay
meesha uga baaxaan khaladaadka siyaasiga ah ee nasiib-darro beryahaan
danbe dowladaheennu ku dhacayeen.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN
Waxaa ilaahay mahaddiis ah in maanta ay halkaan fadhiyaan sadex jiil oo
kamid ah ummadda soomaaliyeed.
1) Waa jiilkii la jaanqaaday xorriyada, ee goobjoog u ahaa gobonimadii,
xorriyaddii, iyo soo celintii sharaftii umadda Soomaaliyeed ay lahayd; ayagoo
ka faa’iideysanaya waaya aragnimadooda, waxaa maanta jiilkaas saaran
masuuliyad gaar ah sidii dib loogu soo celin lahaa qaranimadii Soomaaliyeed.
2) Jiilka labaad ee halkan maanta fadhiya, waa jiilkii wax ku bartay, kuna
hana qaaday dowladnimada, isla markaasna dhidibada u aasay dowladnimadeenna, waa jiilkii dowladnimadeenna gaarsiiyey magacii iyo
maamuuskii aan Afkira iyo dunida inteeda kale ku lahayn, una soo joogay
qarankii soomaaliyeed oo laga haybaysto, qaybna ka ahaa dhaqdhaqaaqyadii
iyo go’aanadii waaweynaa ee qaaradda Afkira iyo caalamkaba gaareen qarnigii
labaatanaad kuwaas oo ay Soomaaliya qayb ka ahayd.
3) Jiilka saddexaad waa jiilkii ku hana qaaday burburkii iyo qaran jabkii
dawladda Soomaaliyeed, waxayna u badanyihiin barlamaanka cusub, waana
markii koowaad ee saameyn ay ku yeeshaan talada siyaasadeed iyo masiirka
umadda Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed
Sh. Cismaan Jawaari uu isagoo dhalinyarada soomaaliyeed lahadlaya ku yiri
hadal taariikhda galay, wuxuuna ku yiri, “haddaan nahay jiilkeenna, waxa
kaliya ee aan idiin wadno maanta, waa inaan idin dhaho, “NAGA RAALI
AHAADA”, waayo idiinma aanaan diyaarin, wixii ay jiilkii annaga naga
horreeyey noo diyaariyeen”, anigoo oo ku waafaqsan guddoomiyaha cudur
daarka uu bixiyey, waxaan si gaara ugula dardaarmayaa xildhibaanada
dhalinyarada ah in aad maanta haysataan fursaddii aad jiilka idinka dambeeya
ugu diyaarin lahaydeen mustaqbal ay idinku mahadiyaan.
Shalay markii aad jaamacadaha dhiganayseen, ama aad noloshiina ku
mashquulsanaydeen, waxaad oran jirteen; Maxay siyaasiyiinta Soomaaliyeed u
gaari la’yihiin go’aan dalka anfaca; maanta adinka ayaa haysta qalinkii dalka
lagu badbaadin lahaa, haddaba xusuusnoow, inaad maanta gaarayso go’aan
saameyn ku yeelan doona mustaqbalka dhammaan ummadda soomaaliyeed
meel kastoo ay joogto.
Sidaas awgeed, waxaan saddexda jiilba si wada jir ah uga codsanayaa inay
codkooda isiiyaan si aan dib ugu soo celiyo qaranimadii iyo sharaftii Ummadda Soomaaliyeed lahayd

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN
Haweenka Soomaaliyeed ee ka mid ah baarlamaanka waxay maanta heleen
tiradii ugu badnayd taariikhda ee ka mid noqota hoggaanka siyaasadda
qaranka taasoo ah arin dhiirigelin mudan.
Sidaad la socotaan dhibaatada dalka ku habsatay waxaa culayskeeda ugu
weyni ku dhacay hooyada Soomaaliyeed.
Nasiib darro, Soomaliya waxay noqotay meesha dunida ugu xun ee hooyo ay
ku dhasho,
 Qiyaastii 6% ayaa dumarka Soomaaliyeed dhimata inta ay uurka
leeyihiin.
 Hooyada Soomaaliyeed ayada ayaa maanta qaxaysa.
 Ayada ayaa ilmaheedii badaha ku dhammaanayaan,
 Ayada ayaa haddana masuuliyaddii nolosha qoyskii Soomaaliyeed dusha
saaratay inta badan.
Sidaa awgeed hooyada Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay in ay hesho
hoggaan wanaagsan iyo dawlad daryeesha ayada iyo ubadkeedaba. In la helo
dowlad Soomaaliyeed oo qaadata mas’uulayadda ka saaran Hooyada iyo
dhallaanka waxay si siman u wada saaran tahay dhammaan xubnaha
barlamaanka ee maanta halkan fadhiya rag iyo dumarba, laakiin waxaa
dhibaataada hooyada Soomaaliyeed si gaar ah u dareemi kara 78da
xildhibaan ee haweenka ah ee maanta halkaan fadhiya, sidaas awgeed waxaan
si gaara uga codsanayaa inay codkooda i siiyaan si aan uga shaqeeyo wax ka
qabashada dhibaatooyinka haysta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN
Waxaan mar kale idin xasuusinayaa hadal aan ku iri mudanayaashii golaha
shacbka sanadkii 2012kii kaas oo ahaa in 10ka bisha oo isniin ahayd go’aanka
ay gaari doonaan aysan dib usoo celin karin maalinta xigta ee Talaadada ah.
Go’aankii uu baarlamaanku maalintaas gaaray dib u dhicii ka dhashay
marqaati baad ka tihiin —– askariga banaanka taagan ee idin waardiyeynaya
bal warsada inta bilood ee uusan xuquuqdiisa helin; xildhibaanada cusub ha
warsadeen xildhibaanadii ka horeeyey, iska daa daryeel kalee inta bilood oo
aysan mushahaar qaadan; inta xildhibaan ee dayac u dhimatay; ummadda
inteeda kalana warkoodaba daa……
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii naftooda
u hurtay badbaadinta umadda Soomaaliyeed gaar ahaan xildhibaanadii,
ciidamadii, iyo hawl wadeenadii dawladda….aamiin, adinkuna aamiin ila
dhaha…
Maantana waxaan idin oranayaa 8da bishan oo Arabco ah go’aanka aad
qaadataan masoo celin kartaan 9ka bisha oo Khamiis ah.
Mudanayaal iyo marwooyin
Anigu waxaan doonayaa inaan hogaamiyo dawladii wax ka qaban lahayn
dhammaan dhibaatooyinka aan kor kusoo xusay, ayadoo kaalmaysanaysa laba
gole ee sharci dejinta.
Waxaan doonayaa inaan hogaamiyo dawlad og duruufihii adkaa iyo dayicii
xildhibaanadeenu ku soo shaqeeyeen, garowsanna waajibka ka saaran
dhawrista sharafta iyo amniga sharci dajiyeyaasha.
Dawlad leh aragtidii dib loogu soo celin lahaa amniga dalka iyo dadka……MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN,
Waxaan ugu danbayntii si xushmadi leh idiinkaga codsanayaa mar koowaad
iyo mar labaadba in aad codkiinna i siisaan. Waxaan ahay Soomaali aysan
dowlad kale dabada ka riixayn, idinkuna waxaad tihiin xildhibaanadii
qaranka Soomaaliyeed………. Soomaaliyana Soomaali baa leh.
Waxaan shacab weynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba ka codsanayaa in
aynnu Ilaahay ka barinno sidii dalkeenna hooyo ku noqon lahaa dal nabad ah,
horumarsan, dadkiisuna barwaaqo iyo sharaf ku noolyihiin iyo in Ilaaahay
abaarta iyo colaadda inaga dul qaado isaga awoodda lehe. Aamiin

WAAD MAHADSANTIHIIN