Akhriso: magacyada musharixiinta Madaxwaynaha ilaa iyo hadda isdiiwaan-galiyay

535

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socota isdiiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama dhowaan ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarunta Villa Hargeysa oo ah halka la iska diiwaan geliyo ayaa maalmahan ah mid mashquul badan, oo Musharaxiinta ay iska soo diiwaan geliyaan kana soo qaataan warqadooda cadeynta ah.

Ilaa iyo hada waxaa la diiwaan geliyay 15 Musharax, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Hoos ka akhriso magacyada musharaxiinta Madaxwaynaha is diiwaan galiyay.

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  4. Maxamuud Maxamed Culusow.
  5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  6. C/naasir Cabdulle Maxamed.
  7. Bashiir Raagge Shiiraar
  8. Amb. Maxamed Cali Ameeriko
  9. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  10. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  11. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  12. Xasan Sheekh Maxamuud
  13.  Saciid C/laahi Deni.
  14. Saciid Ciise Maxamuud.
  15.  Cali Xaaji Warsame2j-2-630x420 AMERICO Farmaajo-631x420 kulan-abaar-4 shariifka sheekh-shariif-iyo-faroole