Akhriso Mooshinka loo qaybiyay Baarlamaanka

341

Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ayaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah, iyadoo laga akhriyay Mooshin ay soo diyaariyeen illaa 20 Xildhibaan, kaas oo ka dhanka ahaa Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Mooshinka, iyadoo lagu sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid dhaawacayo Qaranimada Soomaaliya.

Mooshinka oo ka koobnaa illaa afar qodob ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu khilaafsan yahay shuruucda caalamiga, sidoo kale waxaa ay ka dalbadeen Xukuumadda Soomaaliya in mowqif cad ka istaagto heshiiskaas.

4q-630x420 3q-630x420 2q-630x420 1q-630x420