Akhriso Muhiimadda hadaladii Trump iyo Boqorka Sacuudiga ay ka jeediyeen shirka Riyadh

585
U.S. President Donald Trump (5th L), King of Saudi Arabia, Salman bin Abdulaziz Al Saud (5th R), The Crown Prince of Abu Dhabi General Sheikh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan (3rd L), King of Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa (4th R), Kuwaiti Emir Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah (4th L), Emir Of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani (2nd R) and Deputy Prime Minister of the Sultanate of Oman, Sayyid Fahd bin Mahmoud al Said (3rd R) are seen during the U.S. - Gulf Summit at King Abdul Aziz International Conference Center in Riyadh, Saudi Arabia May 21, 2017. ( BANDAR ALGALOUD / SAUDI ROYAL COUNCIL / HANDOUT - Anadolu Agency
U.S. President Donald Trump (5th L), King of Saudi Arabia, Salman bin Abdulaziz Al Saud (5th R), The Crown Prince of Abu Dhabi General Sheikh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan (3rd L), King of Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa (4th R), Kuwaiti Emir Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah (4th L), Emir Of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani (2nd R) and Deputy Prime Minister of the Sultanate of Oman, Sayyid Fahd bin Mahmoud al Said (3rd R) are seen during the U.S. - Gulf Summit at King Abdul Aziz International Conference Center in Riyadh, Saudi Arabia May 21, 2017. ( BANDAR ALGALOUD / SAUDI ROYAL COUNCIL / HANDOUT - Anadolu Agency
U.S. President Donald Trump (5th L), King of Saudi Arabia, Salman bin Abdulaziz Al Saud (5th R), The Crown Prince of Abu Dhabi General Sheikh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan (3rd L), King of Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa (4th R), Kuwaiti Emir Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah (4th L), Emir Of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani (2nd R) and Deputy Prime Minister of the Sultanate of Oman, Sayyid Fahd bin Mahmoud al Said (3rd R) are seen during the U.S. – Gulf Summit at King Abdul Aziz International Conference Center in Riyadh, Saudi Arabia May 21, 2017. ( BANDAR ALGALOUD / SAUDI ROYAL COUNCIL / HANDOUT – Anadolu Agency

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Riyadh ee boqortooyada Sucuudi Carabia

 Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaanndhiga, Wasiirka Qorsheynta iyo taliyaha Nabad Sugidda.
Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa haatan qayb ka ah shirka dalalka Islaamka iyo Maraykanka kaasi oo ka soconaya hadda magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudi Carabiya.
  Shirka ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 50 hogaamiye oo ka kala yimid dunida Islaamka.
Hogaamiyaashan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, Boqorka Sacuudi Carabiya,  Boqrka dalka Jordan, Madaxwaynaha dalka Masar El-siisi, Madaxwaynaha dalka Indonesia, Madaxwaynaha Falastiin.
Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdul Asiis Aal Sacuud ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan Taabanaysay.
Halkan ka akhriso muhiimadda hadalka Boqorka Sacuudi Carabiya iyo Madaxwaynaha dalka Maraykanka oo Xaqiiqa Times idin soo koobay.
Boqorka ayaa sheegay in dalalka Islaamka ay ka go’antahay la dagaalka dhammaan wax ay ugu yeeraan Argagaxisada isagoo si gaar ah farta ugu goday kooxda la baxday Dowladda Khilaafada Islaamka.
Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Iiraan ay tahay Dowladda koowaad ee maalgalisha argagaxisada dhibaatada ka wada Barriga Dhexe gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq, Lebanon iyo Yemen.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shirka ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay arimo faro badan, hase ahaatee waxaan idin soo gudbinayaa muhiimadda hadalkiisa.
Trump ayaa ugu horayn sheegay inuu Ku faraxsan yahay inuu la  shiro hogaamiyasha dalalka Islaamka.
Waxaa uu sheegay in saaxibnimada Maraykanka iyo dalalka gacanka carabta uu sii hagaagsanaan Doonno sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Kuwait iyo kuwo kale.
Waxaa uu sheegay in Sacuudi Carabiya ay  tahay dalka ugu barakaysan Islaamka difaaciisuna ay tahy wax muhiim ah, sidaa darteeduna Sacuudi Carabiya ay ka gaareen heshiisyo malateri oo Ku  kacaya 400 oo Billion oo dollar.
Mar uu ka hadlayay la dagaalanka argagaxisada ayaa waxaa uu sheegay in ay  muhiim tahay in la helo isbahaysi caalami ah oo ka yimaada dunida Islaamka.
“America waa dhibanaha argagaxisada laga soo billabo weerarkii September 11, weerarkii Boston iyo weerarkii San banardino kuwaasi oo sababay qasaare badan” ayuu yiri
“Dunida oo dhan ayaa ah hatan dhibanaha argagaxisada sida  Barriga Dhexe, Africa, Australia, Europe iyo South America marka waa inaan hal  dhinac looga soo wadajeesto” ayuu sidoo kale yiri.
Waxaa uu intaa Ku daray in ay tahay in dunida Islaamka ay hogaanka u qabato la dagaalanka aragtida ‘Xaqjirka ah.
Dunida Islaamka ma sugayaan in Maraykanka awoodiisa oo idil u adeegsado burburinta argagaxisada waa in la helo  kaalinta hogaamineed ee dallka Islaamka ayuu ka dhaaaajiyay.
Cunug walba oo Muslim ah wuxuu xaq u leeyahay inuu nabad iyo barwaaqo Ku noolaado marka waa in dalalka Islaamka ay naftooda caddeeyaan sida ay u rabaan ayuu sidoo kale sheegay.
Trump ayaa ka fogaaday inuu u hadlo sidii uu u hadli jiray xilligii olalihiisa doorashada xiligaasi oo uu sheegay in uu Islaamka uu ayagu nacayb yahay.
Markan  waxaa uu yiri Islaamka waa mid ka mid ah diimaha ugu wayn caalamka.
Waxaa uu wax yar ka yiri arrimaha Iiraan.
Waan ognahay in Iiraan ay  tahay Dowladda ugu badan ee taageerta argagaxisada. Waan ognahay inay hub iyo dhaqaaleba siiso argagaxisada. Waan ognahay in dalalka Yemen, Lebanon Ciraaq iyo kuwo kale ay ka dagi La’yihiin farogalinta Iiraan ayuu Trump yiri.
Waxaa uu Turkiga iyo Jordan Ku amaanay sida ay u Marti galiyeen qaxootiga gobalka.
Ugu dambayn waxaa uu sheegay in uu booqan Donno magaalada Jerusalem/ Qudus taasi oo uu sheegay inay tahay magaalo u barakaysan Seddexda Diimood ee Caalamka ugu wayn sida Islaamka, Masiixiyiinta iyo Yahuudda ka dibna uu booqon Donno Vatican.
Dadka ka faalooda siyaasadda oo uu ka mid yahay Marwan Bishaara oo ah Falanqeeyaha siyaasadda TV ga aljazeera  una dhashay dalka Falastiin ayaa sheegay in Trump xilligii khudbadiisa uu dareemayay Kalsooni ka badan tan uu qabo marka uu joogo Washington ama uu Ku dhexjiro Aqalka Congress ka.
Khudbadda trump ayaa waxaa uu Ku tilmaamay inay tahay waji cusub u yeeli doonto siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka.