Akhriso: musharixiinta u sharxan gudoonka Baarlamaanka oo la soo saaray

303

Waxaa maanta oo khamiis ah la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoonka golaha Shacabka Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Qaban qaabada ee Doorashada.

Waxaa isdiiwaan galiyay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo 22-Musharax kuwaas oo u taagan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta 11-ka iyo 12-ka Bishaan aan ku guda jirno ee Janaayo, sida ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Kursiga gudoonka baarlamaanka waxaa isu soo sharxay 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu ka mid yahay gudoomihii baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Halkan ka akhriso warqad kasoo baxday guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.2e-745x1024 1e-745x1024