Akhriso Natiijooyinka Doorashada Aqalka Hoose ee Baydhabo iyo Jowhar

402

magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabelle ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo mid ka mid ah ay haween tahay.

Xubnaha maanta la doortaya ayaa waxa ay kala yihiin, Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge), Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Farxiyo Muumin Cali.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa shalay dib uga bilaabatay M Jowhar ka dib markii Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ay fasaxeen.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay doorashada Aqalka Hoose.xubnaha lagu doortay Baydhabo waxaa ka mid ah Cali yusuf cusman  oo la tartamay Muxsin Axmed cumar, Batulo Sheekh  iyo Cali Ismaacil Sh.maxamed, isagoo helay  41 cod.

Cusman Xaaji Cali Nuur o helay 48 cod.

Isxaaq Maxamed Maxmuud oo helay 51 cod.

Xamza Zayd Xamza oo loo tabasulay iyo Jawaahir Cadaawe Cabdi oo heshay 37 cod.