Akhriso: Sababta Xildhibaanada Jubland malatala loogu yeeray Kismaayo

526

Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Degaanada Jubbaland ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in uu u yeeray xildhibaanadan.

Sababta ayaa lagu sheegay in madaxwaynaha  uu kala hadlo arrimaha Doorashooyinka iyo cida ay siinayaan codkooda.

Waxaa la sheegay inuu ka codsan doono inay codkaaga siiyaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaasi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa  sheegay saacadaha soo socda in Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ay ka soo degi doonto Diyaarad sida Xildhibaanada Labada Aqal ee Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada Labada ee maanta tagaya Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Jubbaland General Fartaag, sida ay sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanadan.

Axmed Maxamed, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maalmaha soo socda xildhibaanadan waxa uu kala hadli doonaa cida ay siinayaan codkooda, marka la gaaro Doorashada Madaxweynaha.

Maamulka Jubbaland ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku leh 51 xildhibaan, 8 Aqalka Sare ah iyo 43 oo Aqalka Hoose ah, waxaana uu yahay Maamulka Saddexaad ee ugu xildhibaanada badan marka laga soo tago Koonfur Galbeed iyo Somaliland.