Akhriso wararkii ugu dambeeyay ee Gambia

350

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay tallaabo ka qaadi doonaan Gambia, haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin in uu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay joogaan xudduuda Gambia, iyaga oo u diyaarsan in ay gudaha u gallaan dalka, haddii uu arintaa ka dalbado madaxweynaha la doortay.

War maanta soo dhacay waxaa uu sheegaya in sidoo kale dalka Ghana, uu howlgalka xilka looga tuurayo Yahye Jammeh, ku biirisay ciidamo gaaraya 255 oo askari.

Hal askari ayaa dhintay shan kalena way dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ay galeen ciidanka Senigal ee ku sugan xadka dalka Gambia uu la wadaago dalkaasi Senigal.

Waxaa fashil ku dhamaaday kulan xalay oo dhan socday oo Magaalada Banjul, ka dhacay kaasi oo ay yeesheen Madaxwaynaha Mauritania iyo Yahye Jammeh.

Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka, waxaana ay sheegtay in Nigeria ay badbaadineyso muwaadiniinteeda ku sugan dalka Gambia.

Nigeria, ayaa sidoo kale xeebaha dalka Gambia, u dirtay markaakiibteeda dagaalka.

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso in  urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow .

Mr Jammeh, ayaa diiday inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow, kaasi Yahye Jammeh, kaga guulayatay doorashadii koowdii bishii Dec. Ka dhacday guud ahaan wadankaasi Gambia, kaasi oo hadda ku sugan Dalka  Senegal.

Ugu danbeyntii, kumanaaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka  ka bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah.