Warbixin: Allow yaa Madaxda Itoobiya indhaha siyaasadeed u fiiqa

726

Capture-26

Itoobia iyo soomaaliya muddo dheer ayaa cadaawadu dhextiil. Mar-kasta waxaa furneyd fursad lagu heshiin karey, laakiin mar-kasta madaxda labada dal ayaa ka ildhuufi jirtay fursaddaas.
Hadba qolaa dibirta lala heli jiray. Soomaaliya waxay is mahadisay markii ay daqaalkii tariikhiga ahaa asii guul darada badnaa ku qabsatay ilaa Dirdhabe.
Itoobiyana waxay is-mahadisay markii saaxiibadeed intay dawladii Soomaaliya oo indhaha kululeed jilbaha dhulka ugu dhufteen oo cadowgeede u sakaar-wareen (u jabsheen) ay dawladda Itoobiya ugu deeqeen in ay iska fagato.

Waxaad moodda in Itoobiya go’aansatay talada ah (Soomaaliya kuftaye ayna kicin)
SIDA XAALKU AHAA KA HOR 8DII BISHA LABAAD 20017.WALINA YAHAY.
Waxaa dalka Soomaaliyeed u ekaa mid ay Itoobiya gumeysato, taasuna waxay ahayd mid xaqiiqa ah.

Waxaa Itoobiya dalka ku haysey fara-galin ba’an oo ah, xagga ciidanka, xagga Siyaasadda, xagga wardoonka iyo dabcan xagga bulsada.

Waxaa dalka jooga Ciidama badan oo cid tirsigooda taqaan iyo cid ku dhacda inay tirsgooda ogaato midna jirin. Meeshay rabaan ayey u guuraan, meeshay tagaanna ayagaa xukuma,
Lixda gobol ee lugooyada Soomaaliya loo sameeyey Madaxdoodu waxay ahaayeen walina yihin kuwo ka diiwaan gashan Addis. U yeeriddodana ma jirin cid looga haybeysan jiray.

Madaxda Fedaraalka waxaa lagu xaman jirey in ay xiir xad-dhaaf ah oo an miisaanneyn la leeyin Itoobia. waxaa jiray Dibolomaasiyiin aan uqalmin in ay maalin qura dalka joogaan (persone in grado) oo ku abaaday dalka kuna taajiray laaluushka ay kala dabarayeen.

Tiro badan oo ka mid ah Golayaasha shacabka ayaa farta lagu fiiqayaa.

Dadkaas waxaa lagu sheegayaa jaajuusiin lakiin qofkii siyaasadda ka jaajuusa waa kha’nu waddan ee maaha jaajuus.

Ma jirin qof darajo haweysan karaa, haddaan Itoobiya raalli ka ahayn.

Iskadaa waxle ee Dawladda Itoobiya waxay ka xishoon weydey in ay Safasaraddeeda ka dhex rarto Madaxtooda Soomaaliya, dawladda Soomaaliduna waa ku dhici weydey in ay ka gil-gilato arrintaas.

Xaaladda jirtay, walina jirta waxaan u sawiri karaa sidaan:- ( Madaxda Itoobiya waxay u ekayd libaax rati gool ah baqtiistay oo intuu barkaday farxad la dhoolla caddeeyey.

Madaxda Soomaaliduna waxay u ekeyd Dibi caato la habsadey oo wadda cidla ah jiriqsanaya isaga oo axgabay).
Soomaaliya waxay iyaamo gudahood ku gaartay seddex guulood oo mid ka mid ahu aad u weyn tahay.
Tan kowaad waa doorashadii Cabdi Xaashi ee Aqal Saree ee golaha shacabka.
Tan laadna waa doorashadii ugu farxadda badnayd ugu naxdinta badnayd M/W. M. C. Farmaajo.
Midda sadexaad ee ugu weynuna waa qalbiyadii Soomaalida oo loo qabay in la nasaqay oo
Marqura midoobey.

Tanu waa guul bilow ah ee maaha wixi Soomaaliya u baahnayd oo dhan.
Sideedaba haddaad maqashid, dalkaasu xornimuu qaatay, macnaheedu maaha, dalkaasu barwaaquu gaaray ee waa dalkaasu inu danihiisa qabsado ayuu u madax bannaan yahay. Kaliya waxan hellay Madax an isleennahay waxay ilaalinaysaa madax bannaanidiinna
Haddaba, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon in ay hantaan oo ku mitidaan guusha ay gaareen, si taas loo xagsadana waxaa loo baahan yahay in qodobadaan hoose la weeleeyo:-
In si wada jir ah oo waliba qalbi-sami iyo dhabar-adayg leh looga wada shaqeeyo nadda, midnimada iyo horumarka.
In gobolada laga sameeyo kacaankaan oo kale madaxda goboladana lagala xisaabtamo dhan kasta khaas ahaan dhanka midnimada iyo xornimada. Midkii saxan la shaqeeya, kii isasaxana cafiya, kii saxmi waayana casharkaad barateen u dhiga.

MAXAA DAWLADA ITOOPIA LAGA FIN KARAA?

Waxaa dawlada Itoobiya laga filayaa in ay caro weyn ka qaaddo guul-daradii ku dhacday qorshihii ay Soomaaliya ka lahayd markii la eego doorashadii dhawaan dhacday. Taasu waxay keeni karta in Itoobiya qaadato go’aan qaldan oo xagga aargoosiga u janjeera.
Haddii taasu dhacdo, waxaa Itoobiya ka qabsandoona wixii Soomaali ka qabsaday dagaalkii 77. Waxaana dhici karaya qodobadaan hoos kuran:-
Mar-kasta oo cadaadiska Itoobiya bataba, waxaa geesata kale badanaya midnimada Soomaaliya.
Waxaa qasab noqon doonta in ciidamada Itoobiya oo joogistooda dhib weyn loo arkayo khasab looga saaro dalka Soomaaliya.
Waxaa dalka Itoobia ku laaban doona kuyaal kun oo askari oo u bartay lacag xaddhaaf ah iyo badda dabaasheeda, kuwaasuna ma qaayibi doonaan BOL BIR IYO DAAFI QUDHA.
Askartaas iyo saraakiishooda bahaloobey waxay afuufi doonaan dabka xoogga lagu damiyey laakiin hoos ka hulaaqaya ee ay shidayaan qoomiyaadka caro-dhaafay ee ay ka mid yihiin OROMO, AMXAARO, OLNF IYO QAAR KALE.
Intaas waxaa dheer iyadoo nabad gelyo xuma uga soo foolyeelato dhanka Soomaalida oo ay Badda Soomaalyeed wax uga soo degiwaayaan haddey ugga soo dagaanna jidka loogalo.
MAXAA LA GUDBOON MADAXDA ITOOBIYA.
Itoobiya waa in ay gabi ahaanba baddashaa siyaasadeeda Somaaliya ku wajahan.

Ma jirto sabaab Itoobia ku xambaari karta cadowtooyada Soomaaliya.

Markii laga tago fara-galinta micna la’aanta ah, Itoobiya waxay Soomaliya kadanayn karta laba qodob ee kala ah:-

1: Sheegashada Soomali galbeed iyo badaha haawanaya oo Itoobiyo baahi weyn u qabto, labadaba si nastahan ayaa lagu dhammayn karaa.

Tan hore arrinta Soomaali galbeed Somaaliya uma taal.

Dadka degan oo qaardood Itoobiya daacad u yihiin halka qaaar kalena madax bannani doonayaan ayey u taal.

Labada qolo midkoodna Soomaali wakiil uma aha mana sheeganayaan in ay Soomali doonayaan, markaas ma muuqato sabab Soomali looga baqo. Midda labaad waa badaha haawanaya ee reer galbeedku sunta ku daadinayo, ma muuqato sabab Itoobiya uga qatanaato, Soomaaliyana waa u dan in baddooda la isticmaalo oo waxay ka helayaan canshuur iyo shaqo iyo waliba dal dhisid waa hadii madax banaanida Soomaaliya la ciseynayo.
MADAXDA GEESKA AFRICA TARIIKHDA WAA BADDALI KARAAN. PM. XAYLE MARYAMANA HORMUUDKA ISBADDALKAAS WAA NOQON KARAA, HADDUU QODOBADAAN SAMEEYO.
Xisbiga Talada Itoobya haya iyo Golaha shacabka ha shiriyo hana u sharaxo tusaalooyinka kor ku cayiman iyo qar kale oo iga qarsoon hana weydiisto in loo ogolaado in uu colaadda Soomaaliya nabad u baddalo, faragalinta Soomaaliyana wada shaqayn iyo isxurmayn ku baddasho.
Markuu taas hanto, isga oo guuleysan, dalka Soomaaliya booqasho ha ku yimaado.

Imaatinkiisaas kaliya ayaa (micne siyaasadeed dhalinaya). Ogow haddii M.W Soomaaliya ama PM Soomaalia Addis. looga yeero, xiiso weyn dhalin mayso, waxayna noqonaysaa sidii booqashooyinkii madaxda Soomaaliyeed Addis Ababa ku tigi jireen oo kale.
Haddaad madaxda labada waddan tihiin, isweydiiya waxa laga dhaxlay dagaalkii boqolaalka sano ka dhex socday dalalkiinna.
Hadday idiin soo baxdo inaan laga dhaxlin waxaan ahayn:- faqri, cudur iyo jahli, markaas haddana isweydiiya waxa idinka hortaagan inaad colaadda iyo nacaybka ku badashaan nabad iyo is-fahan.
Isla qorsheeya sidii waddootin waaweyn iyo jidadka tareennada oo garba-siman ah loo wadhi lahaa min galbeedka, bartamaha iyo bariga Ioobiya ilaa galbeedka, bartama iyo bariga Soomaaliya
Isla eega reer guuraaga deggen dhulka baaxadda weyn ee waddooyinku maraan ee lada dal u dhexeeya siday uga faa’iidi lahaayeen.
Ku heshiiya inaad shisheeyaha ka baridaan in ay idinka caawiyaan mashaariicda khayrka badan ee kor ku xusan intii aad weydiisan lahaydeen sawaariq aad isku gumaaddaan.
Madaxda Soomaliya waxaa u eg inay arrintaas si kal iyo lab ah u soo dhaweeyaan, haddiba madaxda Itoobia Alle ka keeno.
N.B. Siyaasaddu waxay ku talinaysaa sidaan:-
Waxaad nabad ku heli kartid, colaad ha ku doonin.
Waxaad riqiis ku heli kartid, qaali ha ku doonin.
Waxaad wanaag ku dhamayn kartid, xumaan ha u adeegsan
HAAH, WAAD KARTAAN EE HA KA BIQINA

Aragtida faaladan kama turjumayso siyaasadda Xaqiiqa Times

Qoraa Khalif Ashkir Diinixoosh.