Alshabaab oo Jamaame isaga baxay

118

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi isaga baxeen Alshabaab oo in muddo ah gacanta ku hayay degmadaasi.

Ka bixitaanka Al-Shabaab ee magaalada Jamaame ayaa ka timid kadib markii ay meel ku dhow magaalada una jirta illaa 5km ay ciidamada dowlada tageen,waxaana Ciidamada Al shaabaab baneeyeen Xarumo ay ku lahaayeen Jamaame.

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ciidamada dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoogayaal ku sugan Jamaame ayaa soo sheegaya in Ciidanka Al shabaab ay baneeyeen Xurumo ku yaalla Degmaasi ayna jirto cabsi ku aadan in Ciidanka Dowladda iyo Al shabaab ku dagaalamaan Jamaame.

Magaalada Jamaame ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee ay hore u haysteen Xoogga Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.