AMISOM oo hawlgalkeeda si weyn loo ammaanay

274

AMISOM2Ku simaha wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ms. Lydia Wanyoto Mutende ayaa ku bogaadisay ciidamadda AMISOM ee ku sugan Galguduud hawlgalkii dhowaan ay ku xaqiijiyeen ammaanka guud ee waddada u dhexaysa degmooyinka Dhuusamarreeb iyo Ceelbuur kaddib weerar ay ku qaadeen dagaalyahanka Al-shabaab si shacabku u helaan gargaar degdeg ah, iyada oo dhinaca kalena ku boorisay masuuliyiinta maammulka gobolkaasi inay sii wadaan la wareegista goobaha weli ku jira gacanta ururkaasi.

“Aad baanu ugu farax sanahay jawaabta ciidamadda AMISOM ka bixiyeen qorshaha Shabaab ay ku jarayaan jidadka waxayna taasi ka dhigan tahay in muddo dheer aysan sii dhibaatayn doonin dadka masaakiinta ah,” ayey tiri Wanyoto.

Hadalkaasi Wanyoto ayaa ku soo beegmaya, xilli ciidamadda isbaheysigu ay fureen waddooyin muhim u ah isu socodka magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi Galguduud.

Dhinaca kale, Shabaab ayaa imminka wejihaya duullaankii ugu weynaa abad ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee Maraykanka, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa dagaal dhinaca dhulka ah ku qaaday magaalooyinka ay maammulaan xarakadaasi.

Ciidamadda AMISOM oo ka kala socda Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana ayaa gacan ka siinaya Soomaaliya soo celinta nabadda waxaana lagu wadaa in waddanka ay isaga baxaan muddo labo sanno gudahood ah sida lagu sheegay jadwal cusub oo loo dejiyay hawlgalkooda.