AMISOM oo ka walaacsan shaqaaqo qabsatay

203

Gawaarida-huwanta

War saxaafadeed goor dhowayd ka soo baxay xafiiska wakiilka cusub ee Midowga Afrika ugu qaysan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa hawlgalinta AMISOM, danjire Maman Sidikou ayaa lagu sheegay in uu aad uga xun yahay rabshaddo lagula kacay ciidamadda Jabuuti ee hawlaha nabad ilaalinta u jooga gobolkaasi Hiiraan, xilli ay ku guda jireen hawl maalmeedkooda caadiga ah, waxayna shaqaaqadu ka dhacday deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 10km waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Sida danjire Maman uu lee yahay isku dhaca ayaa yimid kaddib markii ay dadweyne careysan oo ay ku soo dhex dhuunteen dabley hubeysan ay is hortaag ku sameeyeen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamadda Jabuuti uga midka ah AMISOM, waxayna taasi keentay in ciidamaddu ay ka jawaab celiyaan rasaas bareer ahayd oo lagu soo furay.

Danjire Maman ayaa ka tacsiyeeyay khasaare kastoo ka dhashay dhacdadaasi, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay feejignaadaan oo ay gacan ka geystaan soo celinta nabadda iyo ammaanka gobolkaasi

“Waxaan u caddeynayaa shacabka iyo dawladda Soomaaliya in AMISOM aysan marnaba lakala safan doonin qabiilada qaarkood, kamana mid ahan hawlgalkeena qorshehaasi,” ayuu ku yiri bayaankiisa Mr. Maman.

Maman ayaa sidoo kale ka codsaday masuuliyiinta dawladdu inay xal degdeg ah ka gelaan xiisadda weli ka tagaan deegaanka Deefoow ee gobolkaasi Hiiraan.