Annana ma daalno…iyana ma daalaan!

287

>Alxamdulilah, jimcihii iyo sabtidii iyo Axaddii 14-16/2/2014 Waxaa noo suurta gashay inaan booqashooyin dacwadeed oo aan walaaleheenna jaaliyadaha soomaaliyeed ugu tagnay UK, France iyo Sweden.. Jimcihii bacdal khudba ayaan kasoo kicitimay Birmingham, Waxaan Casar liiqii ka bixi lahaa Airportiga Heathrow ee London, diyaaraddii ayaa nagu daahday, waxaan Paris gaarey 10.30 pm habeenimo, Alxamdulilaah Walaalaha reer Paris oo wafdiya ayaa Airportiga Charles De Guelle noogu yimi, Nimanka Faransiisku waxba nama dhibin gelitaanka Alxamdulilaah, sabtidii Muxaadarda si fiican ayey noogu dhacday, Jaalliyadda Paris iyo agagaarkeeda..Ilaahay ayaa mahadda iska leh..

Axaddii waxaan aroortiiba u bokhoollay Sweden, waxaan sii marnay oo Transit ku ahayn Prague, Caasimadda Chzek, berigii hore waa maqli jirney Chzekoslavakia, laakiin waxbaa iska bedeley, duhurkii 1.30 ayaan kasoo degney Arlanda, Stockholm, Gaari ayaa nagu sugayey akhyaarta reer Vestaros, Markiiba waa nala boodeen, saacad ka dibna waxaan tagnay Vestaros, qada ka dib waxaan galnay Muxaadaradii loo ballansanaa, Ilaahay fadligiis iyana si fiican ayey noogu dhacday, kadib waxaanu usoo hoyaney Stockholm, Maalintii Isniinta iyada ayaan Muxaadaro ku lahaa, Subixii talaadada ee saaka ayaan u jarmaaday Helsinki, Finland, saacado kooban ayaan joogey oo soo booqday Masjidul Huda, akhyaarta ducaadana kula kulmay, kadib waxaan soo raacay diyaaradda soo bexeysey Helsinki-New York, waxaan kasoo degey Newyork 16.00 galabnimo, 7 saac iyo bar ayuu flightka ahaa, wexey ahayd inaan diyaaradda u qaato Columbus iyo gurigaygi 19.30, Laakiin qaddar Ilaahay ma dhicin, oo waxaan wax yar ka hor kasoo baxay Airportiga JFK ee New York, markaan kasoo Dhammaaday Fetishaadii iyo hiririgtii caadada u ahayd, markaan fadhiyey oo jactaday meesha 4 saacadood iyo bar, Ilaahay Ajar hanooga qoro.. Waa meesha aan iri: Annana Safar kama daallo, iyana Jactadin kama daalaan!

Waxaan ku qoslay waxaa boorsada Ipadka iyo Musxafka iyo book kale iigu jireen, kusoo dhex dhuuntay 2 waraaq oo yar yara, oo ka mid ahaa su’aashii ahayd: Muxuu yahay Yoolkaaga Nolosha? Maxaadse higsaneysaa? oo aan dhalinyarada Copenhagen Seminarkii 24/12 aan ugu qabtay ka mid ahaa, laba jawaabood, oo midkood leeyahay: inaan xajka geeyo familkayga, inaan gobolkayga ka bilaabo waddo laami ah, inaan guursado, inaan noqdo ganacsade, inaan jaamacadda dhamaysto. Kan kalena : Inaan aado dugsi sare iyo jaamacad, inaan barto Engineering, inaan shaqeeyo, inaan guursado, inaan Somaliya dego, Inaan noqdo qof cibaadaysta, inaan guursado oo ilma dhalo oo tarbiyad fiican ku ababiyo..

waraaqihii ayaa sawir lagala daalay kkkkk..

Diyaaraddii waa iga tagtay, diyaarad kalena caawa ma leh, ilaa berri, wexey noqotay inaan caawa Hoteel baryo inshallaah, safartii afarta maalmood waxaa ka daal badnayd safarta NY.. Allaha Yassiro..

Taariikhdu Waa Markhaati!

Asxaabey Kitaabkii aan ku ururshey Qoraallo Muhiima, Marxala adag oo dalkeennu soo maray, daabacaadda ayuu ka soo baxay intaan safarta jirey Alxamdulilaah, Waa qoraallo aan ka qoray wixii wadaadda ka dhacay 2009-2011..Waxaan cinwaan uga dhigay (Taariikhdu Waa Markhaati) waxaanan ula jeedaa, inaan facyaalka soo socda iyo kuwa joogaaba is oran: war meesha waxaasu ka dheceen, ma waan rag joogin! waxaan ku iri: Waa la joogey waana laga taliyey, laakiin waan naseexada waxba lagu qaadan! Online inaad u dalbataan iyo inuu Magaalooyinka caasimadaha idinku soo gaaro bal sidaad u rabtaan sheega, wabillaahi tawfiiq…