Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo La Howlgeliyay 24 Sano Kaddib

689

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan si rasmi ah xarigga uga jaray xaruntii Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Officio Governo) 24 sano kaddib, taas oo uu Maamulka Gobolka Banaadir dayactir ballaaran ku saameeyay.

Xafladdii furitaanka xarunta ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda qaranka, wasiirro, xildhibaanno, howl-wadeenno ka tirsan xafiisyada hay’adaha Dowladda, danjireyaasha dalalka caalamka qaar u fadhiya Muqdisho iyo dadweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in arrintan ay billow u tahay sida ay Soomaalida uga go’an tahay inay dalkooda dib-u-dhistaan, iyadoo uu sheegay in lagu dayactiray Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdsho mashruuc iskaa wax u qabso ah ama dalkaaga dhiso.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (Ex Fiisha Gofeerno) lagu dayactiray mushaaraadka shaqaalaha Dowladda Hoose. Wuxuu xaqiijiyay in aysan gacan kale wax ku lahayn kharashka lagu dayactiray xarunta. Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybalay Xafladda furintaanka ayaa ku bogaadiyay maamulka gobolka Banaadir sida uu dib ugu soo nooleeyay Aqalka Dowladda Hoose oo ah astaan qaran, waxayna sheegeen inay tahay tallaabo dhiiragellin iyo ku dayasho mudan.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay inay tallaabadaas ka turjumayso sida ay dadka Soomaaliyeed wax u qabsan karaan haddii ay midoobaan, nabadda iyo horumarka dalkoodana ay iska kaashadaan.

Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku yaalla wadnaha faras-magaalaha Caasimadda Muqdisho ayaa ahaa dhismihii ugu horreeyay oo Calanka Buluugga ah ee Soomaaliyeed laga taagay 1960-kii.

Waxaa xafladda lagu soo bandhigay waxqabkii maamulka gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sano ahayd ee uu dhisnaa, iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in maamulkiisa ay wax badan u qabsoomeen tan iyo markii la magacaabay.

Xarunta dib loo dhisay waxay magaalada kusoo kordhisay muuqaal qurxoon oo beddelaya nabarrada burburka oo weli meelaha qaar ee caasimadda ka sii muuqda.

Muqdisho ayaa hadda si tartiib ah sumcaddeedii iyo quruxdeedii u soo ceshaneysa dhowr iyo labaatan sano oo dagaalo sookeeye ah kaddib.

Soomaaliya waxaa guul iyo horumar weyn u ah in 24 sano kaddib munaasabadaha 26-ka Juun iyo Koowda Luulyo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho kaddib markii dib loo dhisay, Inkastoo wali waddooyinka magaalada intooda badan uu ka muuqdo dayac iyo burbur, dhismayaal badanna ay burbursan yihiin, haddana waxaan la dafiri karin oo dadka farxad galinaya dhismayaal bilicsan oo dhaadheer oo ay magaalada ka dhiseen shirkado iyo ganacsato Soomaali ah oo dalka maalgashanaya.

W.D: Aadan Daahir (Suxeyfa)

aqalka-dowladda-hoose-6aqalka-dowladda-hoose-12aqalka-dowladda-hoose-1