Aqalka Sare oo ka dooday hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka

86

Goalaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday Ajendaha shirkooda oo ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator; Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator, Dr Cusmaan  Maxamuud  Dufle oo xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay