Ardaygii dhowaan ay sii daysay Waqooyiga Kooriya oo geeriyooday

318

 

_96507168_03c80fc1-4c46-4945-b893-b2419269768aArdaygii u dhashay dalka Maraykanka, ee dhowaan ay soo sii daysay dowladda Kuuriyada Woqooyi, Otto Warmbier, ayaa lgu soo waramayaa inuu geeriyooday.

Ardaygan oo ahaa 22 jir u dhashay dalka Maraykanka ayaa 17 bilood oo xirnaa dalka north Korea, waxaana dhowaan la sii daayay isagoo Kooma Ku jiray.

Geerida ardaygan ayaa waxaa xaqiijiyay ehelkiisa ayagoo war qoraal ah ka soo saaray geerida wiilkooda.

Wiilkan ayaa Maraykanka la gaarsiiyay isagoon hadli Karin waxna arki Karin.

Dhaqaatiirta waxaa ay sheegeen inuu dhaawac ka qabay maskaxda.

Ardaygan oo dhiganayay jaamacadda Virginia ee dalka Maraykanka ayaa dalxiis u aaday dalka North Korea, waxaana la xiray 2 bishii Janaayo 2016kii.

Maxkamad Ku taala waqooyiga Koriya ayaa waxaa ay Ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.

IMG_20170620_000144