Muqdisho oo askar ku dhinteen gaari shil la gelay

332

Gaadiidka-gurmadka-booliska

Inta la ogyahay 3 askari ayaa ku nafwaayey kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay shir gaari oo ka dhacay deegaanka 13km ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli ay ciidamaddu gelbinayeen masuuliyiin dawladdeed oo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolkaasi Sh/hoose.

Sida la sheegayo shilka ayaa dhacay kaddib markii gaari uu lee yahay xildhibaan Cali Ganey oo ka tirsan barlamaanka Soomaaliya uu waddada ka baxay, seddex jeerna uu sii rogmaday, waxayna taasi keentay in khasaare ay wejihaan askartii saarneyd gaarigaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku warramaya in dhaawacyada qaarkood la geeyay cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay weli kula tacaalayaan dhaqaatiirtu.

Inta badan shilalka gaadiidka waxaa sabab u noqda burburka baahsan ee dhinaca waddooyinka iyo taxadar la’aanta wadayaasha gawaarida.