Askari yaad hubka u sidataa?

Wanaagga iyo kheyrka dadka ku nool Muqdisho ay leeyihiin waa midaan la soo koobi karin. Dadkani waxay xambaarsan yihiin duruuftii iyo diihaalkii dagaalka sokeeye, mana helin ilaa iyo xilligan cid ka daawaysa iintii iyo eelkii nafsiga ahaa ee uu dadka ku reebay.

Waxay maalinba daxiyo u yihiin dayaca iyo dandarrada ay duruufaahsi kala geddisan naftooda badeen, maanta waxay joogaan xilli aad mooddo in uu ka yara duwan yahay xilliyadii la soo maray heerar kala jaad ah ay la socdeen, dadkuna ay hadba inta karaankooda ah la falgalayeen heerarkaas iyagoo isku dhiirrigalinaya, hal-haysna ka dhiganayay “in la badbaadiyo wixii la badbaadin karo naf iyo maalba” si loo gaaro maalin baararo ah oo lagu naaloodo, niyaddoodana ka tirtira nabarradii iyo dhaawacyadii ka dhashay duruuufihii adkaa ee la soo maray.

Maanta dadku waxa ay ku taamayaan in uu waqtigu ka duwan yahay waqtiyadii la soo dhaafay, oo ay muuqato ififaalo dowladnimo oo in badan dadka maskaxdooda ka maqnayd, hase yeeshee dhibaatooyinka iyo caqabadaha la socda baadigoobka loogu jiro in la gaaro nidaam dowladnimo oo dhamaystiran oo ay dadkiisu leeyihiin xuquuqdooda oo kaamil ah, gutaanna waajibaadka laga doonayo, waa mid baaxad weyn leh. Waxaa kaloo arrinka ka dhigay ‘kud ka guur qanjo u guur’, dhibaatooyinka badan ee ay shacabka ku nool magaalada Muqdisho kala kulmaan had iyo jeer dowladdii ay ka filayeen in ay wax badan ka khafiifiso dhibaatooyinkaas mugga weyn leh ee ay la tiicayaan.

Waxaa laga yabaa in uu qof ku doodo dowladdu waxay ku jirtaa marxalad aad u adag, waxaana horyaalla taxaddi amni oo kallifay in ay ku dhaqaaqdo wax badan oo ay maanta samaynayso; haddii ay noqon lahayd in la xirxiro waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadweynaha oo intooda badani ay quud uga raadsadaan qoysaskooda; ama hadday ahaan lahayd in laga qaado canshuuro culays ku ah dadka xoogsatada ah, kuwaas oo aan shacabka dib ugu soo laaban sida adeegyada bulsho ee kala duwan oo loo fidiyo, balse gacanta u gasha dad aan hufnaan lahayn oo uu musuqu dillooday.

Dhibaatoyinka ugu badan ee ay dadku la kulmaan waxa ay intooda badan ka yimaadaan askarta kala duwan ee matalaya hirgelinta sharciga; hadday noqon lahaayeen ciidanka booliska; kuwa ilaalada waddooyinka; kuwa nabad-sugidda, IWM.

Dadku marka ay waddooyinka marayaan oo ay gawaaridooda ku socdaan waxay la kulmaan qashqashaad, huruuf, cabsigelin iyo mararka qaar naftooda oo halis gasha, qofka Soomaaliga ahna ma dareemo in uu yahay muwaaddin dalkiisa hooyo jooga. Sida la wada ogsoon yahay dadka ugu badan ee amni-darrada sameeya waxa ay isku soo qariyaan oo gabbaad ay ka dhigtaan labiska ciidamada (mana ugala jeedo inaan liidayo sharafka ciidamada, hase ahaatee, taani waa xaqiiq qaraar oo in la sheego u baahan) waxayna jidadka u maraan sidii in ay askar yihiin oo kale haddana qofka ay dhibtu ku dhacayso markii waddooyinku xirmaan waa muwaadinka caadiga ah.

Waxaa iswaydiin mudan askri ma waxaad qoriga u sidataa inaad dadka shacabka ah ku dhibaateyso? Mise waxaad qoriga u sidataa inaad naftaada ku ilaaliso? Mise waxaad qoriga u sidataa inaad kuwa madaxda kuu ah oo qura ku ilaaliso? Yaa mudan in la ilaaliyo? shacabka mise kuwa madaxda ah oo berrito meesha ka baxaya?

Sida caadiga ah, xiriirka ka dhaxeeya dadka iyo ciidamada waa mid ay xukumayso qawaaniin iyo baratakoollo ay labada dhinacba dhowrayaan, dammaanad qaadayana sidii ay u hirgali lahaayeen. Tixgelinta iyo ixtiraamka ay shacabku u hayaan askarta kala duwan ee labbiska ciidanka xiran waa mid hadba ku xiran hab-dhaqankooda.

Marka la eego sida ragga darayska ciidan labbisan ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah waxaa la dareemi karaa haadaanta weyn ee dhuxaysa labada garab, iyadoo la ogsoon yahay halka uu joogo heerka aqooneed ee ciidamada, waxaa la dareemi karaa in ay wax badan iska beddeleen qaab-dhismeedka mu’assasada ciidanka waddanka, hase yeeshee, arrinku waa ‘faanoole fari kama qodna’.

Sheekooyinka ay sheegayaan dadka dhibbaneyaasha u noqday falalka gurracan ee ay ciidamadu ku dhaqmaan waa mid aan la rumaysan karin, oo maskaxda qofka caadiga ah aan galeyn. Waxaa dhacday in muwaadiniin gawaaridooda wata inta la joojiyay kaddibna la weydiiyey in ay lacag bixiyaan, markii ay diideenna loo sameeyey tuhmad sidaa awgeedna xorriyaddoodii ku waayay kaddibna loo dhaadhiciyay mid ka mid ah xabsiyada sumcadda xun ee ku yaalla magaalada, halkaas oo ay kula kulmeen ciqaab iyo jirdil bini’aadamnimada ka baxsan ilaa qeyb jirkooda ka mid ah uu shalal ku dhacay. Muwaadinkaas shalay waxa uu ahaa nin xoog leh oo naftiisa iyo ilmihiisa u xammaasha, maanta waa nin naafo ah oo waxba aan qabsan karin.

Waxaa la doonayaa in la garawsiiyo ciidamada muhiimadda ay leedahay in la karaameeyo qofka muwaadinka ah, askariguna qorraxda iyo qabowga ay ugu dhacayaan sidii loogu adeegi lahaa shacabka, si uu iyaguna [muwaadiniinta] hadhow u tixgaliyaan una qaddariyaan askariga.

Askari waxaad ogaataa in dadku ay ku eegayaan. Marka koowaad waxa ay kugu eegayaan il ay ku jirto himilo iyo yididdiillo, maxaa yeelay labbiska aad xiran tahay wuxuu matalayaa dowladnimo, haybad iyo karaamad taasoo dadka qaarkii soo xusuusinaysa saman ay ku noolaayeen barwaaqo iyo amaan. Marka labaad waxay kugu eegayaan il ay ka buuxdo cabsi, maxaa yeelay dadku waxa ay dareensan yihiin in ay ciidamadu yihiin kuwo dharka u sita in ay shacabka dhacaan, si xunna u adeegsanaya awoodda loo dhiibay. Waa la ogyahay in aadan helin maqaamkii aad lahayd, balse dhowrid la’aanta sharciga aad dharka u xiratay kuuma soo celinayso darajadii aad rabtay in aad gaartid.

W.Q: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi