Geesinimada Askarigi isku dhigay Gaarigi walxa Qarxa ka buuxay oo loo riyaaqay

207

Dhame Dahir Gyrhan oo ahaa askari ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo  qaabilsanaa ammaanka xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa naftiisa ku waay kadib markii uu doonayay in uu xayiro gaari ay ka buuxeen walxa qarxa kaa oo ay kooxda Al-shabaab damacsanaayeen in ay la beegsadaan gudaha xarunta Baarlamaanka.

Allaha u naxariiste Dhame Dahir Gurxan ayaa waxaa uu ku dhashay gobalka Gedo, waxaana uu wax ku bartay magaalada Muqdisho, isaga oo wixii ka danbeeyay burburkii Dowladda dhexe waxbarasho iyo tababara kala duwan kusoo qaatay wadamo ay ka mid yihiin Suudaan, Masar iyo kuwa kaloo fara badan.

Abdirizakh Dahir Gurxan, oo ladhashay Dhame Dahir ayaa waxaa uu ku hadlay taariikh nololeedka Dhame Dahir, waxa uuna xusay in walaalkiis oo maanta badbaadiyay xildhibaanada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu yiri qasaara xoogan ayay kala kulmi lahaa hadii gaariga walxa qarxa gudaha ugali lahaa xarunta Baarlamaanka.

Waxa uuna intaas ku daray, inkastoo ay dareemayeen xanuunka geerida balsa ay aad u jeclaan lahaayeen in walaalkood wax lagu xasuusto ay Dowladda Soomaaliya sameyso, si buu yiri uu tusaale wanaagsan ugu noqdo saraakill iyo askar badan.

Sikastaba ha ahaate, shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay geesinimada askiraga naftiisa u horay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo aad ugu baahinayay sawirkiisa baraha ay dadku kuwada xariiraan gaar ahaan barta facebook.

Waxaa ayna  maalmihii ugu danbeeyay ka muujiyeen barta facebook in loo baahan yahay dad badan oo nuuciisa ah.