Axmed Macalin Fiqi oo lagu doortay Cadaado

280

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kusoo baxay doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa waxaa uu helay 45 codadka ergada doorashada Aqalka Hoose.

Fiqi, ayaa waxaa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay wadanka Sudan, isagoo sidoo kale ka mid ahaa siyaasiyiintii u tartamay xilka Madaxwaynaha maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa dib uga bilowday doorashada xubnaha Aqalka Hoose, waxaana shalay cadaado ka jiray khilaaf u dhaxeeyay maamulkaasi iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Galmudug ayaa shalay dalbaday in laga badalo wakiilka guddigaasi u qaabilsanaa maamulka Galmudug.