Jubaland oo duullaan weyn ku qaadaysa Shabaab

177

Shirka-KismaayoMadaxweynaha dawlad gobolleedka Jubaland, Axmed Sheekh Maxamed Islaam ‘Axmed Madoobe’ ayaa maanta soo xiray guud ahaan shirweynihii dib u heshiisiinta ee 16-kii bishii hore uu magaalada Kismaayo ka furay madaxweynaha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana goobjoog ka ahaa xafladdii xiritaanka shirkaasi ergo ka kala socotay Qaramadda Midoobay, Britain, Japan, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo masuuliyiin kale.

“Ka madaxweyne ahaan waxaan xaqiijinayaa in shirkaani uu guul ku dhammaaday oo ay reer Jubaland imminka nabadda si dhab ah u qaateen, waxaana jeclaan lahaa in cidkastoo wax tabaneysa lasoo dhoweeyo markasta,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay ergooyinkii ku dhowaad 20-ka maalmood ku shirsanaa gudaha magaaladaasi Kismaayo.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay duullaan kama danbeys ah oo ka dhan ah xarakada Shabaab ee Soomaaliya si buu yiri madaxweynuhu dib gacanta maammulkooda loogu soo celiyo magaalooyinka ay weli haystaan ururkaasi