Baarlamaanka Galmudug oo la fasaxay Dhagayso

191

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta soo xiray Kal fadhiga Labaad ee Baarlamaanka maamulka Galmudug xili maanta ay kulankii ugu dambeeyay ay yeesheen.

Cali Gacal casir Goodmiyaha Baarlamaanka galmudug ayaa sheegay in Gudoonka galmudug ay isla qaateen in waqtiga lagu jiro ay fasaxyihiin Mudanayaasha Maamulka Galmudug.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in la furi doono kal-Fadhiga Saddaaxd  bisha  koowaad ee sanadka soo aadan ee 2017.

Dhinaca kale Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta ku dhawaaqay in loo gurman doono  Dadka ay abaaraha saameyeen iyo  kuwa ku  barakacay daggaalada  ka jirta  Magaalada Galkacayo.