Baarlamaanka Hirshabelle oo mudo u kor-dhiyay madaxwaynaha

326

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.

Kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka Hirshabeelle kulankiisii 13aad ee la qabtay maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdi Xuseen Geedi.

Qoraal uu u soo direy Baarlamaanka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa waxaa laga hor aqriyay fadhiga baarlamaanka.

Warqadan ayuu Madaxweyne Cosoble uu ugaga codsaday markale in la siiyo muddo labo bilood ah oo uu ku soo dhiso dowlada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa mudo u kor-dhiyay madaxwaynaha taasi oo uu ku soo xulayo golihiisa Wasiirada.kulan-baarlamaan-4 kulan-baarlamaan-3 kulan-baarlamaan-2 kulan-baarlamaan-1