Baarlamaanka oo ansaxiyay in 30,000 oo doolar laga qaado musharixiinta xilka Madaxwaynaha

322

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhigiisii labaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayadoo ay kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin guddiyada doorashada iyo xeer hoosaadyada doorashada gudoonka baarlamaanka iyo midday madaxwaynaha.

Xildhibaanada shirka yeeshay waxaa ay isugu jiraan labada Aqal ee baarlamaanka uu ka kooban yahay, Aqalka Sare iyo midka Golaha Shacabka.

Waxaa ay ansaxiyeen lacagaha diiwan galinta musharixiinta Madaxwaynaha iyo kuwa gudoonka Baarlamaanka.

Musharixiinta Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadda Labada Aqal ee Barlamaanka waxaa qofkiiba laga dhigay 15,000 oo Dollar.

Murashixiinta xilka Madaxweynaha waxaa la go’aamiyey in qofkiiba laga qaadayo Lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.