Wednesday, October 28, 2020
Home Wararka Maanta Baarlamaanka oo ansaxiyay xubin ka mid ah guddiga dib u eegista Dastuurka

Baarlamaanka oo ansaxiyay xubin ka mid ah guddiga dib u eegista Dastuurka

130

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa Ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kulankooda inta uu socday waxaa ay Ku ansaxiyeen in Muumino Sheikh Cumar ay ka mid noqoto Guddiga madaxbanaan ee dib u eegista darstuurka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Muumino Sheekh Cumar, oo horay uga mid ahayd Baarlamaankii dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu wadaa in sidaan oo kale ay u ansaxiyaan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ee xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya ay Muumino, ay ansaxiyeen ka mid ahaanshaheeda Guddiga madaxbanaan ee dib u eegista Dastuurka.