Baarlamaanka Puntland oo dhagaysanaya tartamayaasha Aqalka Sare.

163

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul gobaleedka  Puntland ayaa maanta billababay inay dhageystaan khudbadaha Musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu socdo.

Musharraxiinta u tartamaya xilka ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 29-xubin oo ay ku jiraan Toban Haween ah. Waxaana laga doonayaa inay xubnahaan kasoo baxaan 11-xubnood oo laga doonayo Puntland.

Sidoo kale, Musharaxiinta u tartamaya inay Maamulka Puntland ku Metelaan Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Somalia, ayaa waxaa ku jira RW Sharma’arke, waxaa kaloo ku jira Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo Jen. Moorgan oo horay xilal uga soo qabtay xukuumaddii dhexe ee Somalia.

Halkan ka daawo sawirada goobta ay ka soconayso dhagaysiga xubnaha u tarmaya Aqalka Sare ee matali doona Puntland.