Baarlamaanka Puntland oo kalsoonida kala laabtay golaha wasiirada maamulkaasi

535

IMG_4098

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.

Kooramka Xildhibaanada fadhiyay ayaa waxa ay gaarayeen 57 Xildhibaan, waxaana sidaasi loogu dhawaaqay in Golaha Wasiirada Puntland si rasmi ah loo riday.

Arintan ayaa ah mid fariin cad u diraysa madaxwaynaha maamulka Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in madaxwaynaha uu haysto 21 cisho oo uu kusoo dhiso golihiisa wasiirada ee cusub.