Baarlamaanka Soomaaliya oo guddoomiye cusub doortay

205

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u doortay Maxamed Mursal Sheekh guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu doorasho uga adkaaday Ibraahiim Yaroow Isaaq oo si dhaw kula loolamay doorshada guddoonka baarlamaanka.

Doorashada oo ay ka qayb galeen 11 musharax  ayaa waxaa ugu danbeeyn isku soo haray labada musharax ee kala ah Ibraahim Yaroow iyo Maxamed Mursal.

Maxamed Mursal ayaa helay codad gaaraya 147 cod , halka Ibraahiim Yaroowna uu helay 118 cod.

Maxamed Mursal ayaa sidaa darteed ku guuleeystay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya , isaga oo badali doona guddoomiyahii iscasilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maxamed Mursal ayaa inta uusan noqon guddoomiayha baarlamaanka waxa uu soo noqday safiirka Turkiga, isaga oo markii danbena ahaa wasiirka difaaca oo  uu iska casilay si uu ugu tartamo guddoonka baarlamaanka.