Baarlamaanka Soomaaliya oo ka shiraya miisaaniyadda dowladda

300

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan lagu hor-geynayo Miisaaniyada sanadka 2017, iyadoo bilihii la soo dhaafay aanay jirin wax miisaaniyad ah, isla markaana ay cakirnaayeen dhaqaalaha dowladda, kaddib markii la xiray akoonada Wasaaradaha ku lahaayeen Bankiga Dhexe.

Kulanka maanta ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybin doonaa miisaaniyada sanadkan 2017, si ay u soo akhristaan, ugana doodaan oo ay ugu dambeyn u ansixiyaan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo maalmo ka hor la wareegay xilka Wasaaradda ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka horgeeyo Miisaaniyada sanadka 2017.

Baarlamaanka ayaa horay u celiyay miisaaniyad KMG aheyd, waxaana jiray miisaaniyad saddex bilood aheyd oo ay ansixiyeen Golihii Wasiiradii hore, taasoo uu muran iyo dood ka keenay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo eedeyn u jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore.

Lama oga sida uu noqon doono miisaaniyada sanadkan 2017, iyadoo miisaaniyada ay ku howl galeysay dowladda Federaalka sanadkii 2016 uu ahaa lacag dhan 246 milyan oo dollar