Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ka shiray miisaaniyadda 2018-ka (Sawiro)

153

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale shir Ku yeeshay magaalada Muqdisho.

kulanaakaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad Golaha Shacabka  Cabdi Wali Ibraahim Sh. Muudey.

Guntanka kulanka Maanta ayaa waxaa Soo xaadiray Xildhibaano Tiradoodu gaareyso 141 mudane.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ahaa

1.Sii Wadida doodda Warbixinta Guddiga Maaliyadda ee Akhrinta 2-aad Miisaaniyadda 2018
2.Qaybinta Hindise Sharciyeedka Dib-u eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adaha Qaab Ciidameedka leh “Sharci Lr.6 ee 31-ka Oktoobar 1969”

Kualnkaan ayaa waxaa Ka soo qayb galay Wasiirka maaliyadda, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda maaliyadda iyo Agaasimaha Miisaaniyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sii guda galay doodda Miisaaniyadda oo shalay ay soo bilaabatay, iyadoo Xildhibaanada ka hadlay ay talooyin usoo jeediyeen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo Kale Mudanayaasha Golaah Shacabka ayaa waxa ay u gudbeen Ajendaha Labaad Qaybinta Hindise Sharciyeedka Dib-u eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adaha Qaab Ciidameedka leh “Sharci Lr.6 ee 31-ka Oktoobar 1969
xildhibaanada Golaha ayaa ka dooday, fikirkoodana ka dhiibtay.

Xafiiska Warfaafinta Golaha Shacabka