Thursday, October 29, 2020
Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay heshiiska is dhaafsiga maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya

Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay heshiiska is dhaafsiga maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya

180

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta oo Sabti ah kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.

161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.

Heshiiskan maxaabiista la isku dhaafsanayo ayaa Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad.

Hindiya, ayaa waxaa ku xiran boqolaal maxaabiis Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan maxaabiis loo haysto falal burcadbadeednimo ah.