Badhan oo deggan kaddib dagaal ka dhacay

280

Wefdi2Degmada Badhan ee bariga gobolkaasi Sanaag ayaa deggan kaddib markii ay muddo kooban ku dagaallameen ciidamo kala taabacsan maammulada Puntland iyo Somaliland, xilli  halkaasi lagu waday inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee ay yeelanayso degmadaasi.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay dagaalka oo qarxay markii sida la sheegay ay degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan maammulka Puntland ay soo weerareen ciidanka Somaliland oo doonayay inay ka hortagaan wasiiro reer Puntland ah oo Badhan u tagay inay joobjoog ka noqdaan doorashadaasi.

Ilaa iyo imminka ma jiro wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta labada dhinac oo ay uga hadlayaan isku dhacaasi.