Banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Xassan sheikh oo lagu qabtay Baladweyne

168

hhrBanaanbax lagu taageerayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana loogaga soo horjeeday baaqii dhowaan ka soo baxay xubno kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweye.

Dibad-baxan oo uu soo qabanqaabiyay ururka horumarinta midowga dhalinyarada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeybgalay odayaal,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay ku dhowaaqayeen halkudhexgyo loogaga soo horjeedo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan dalbaday is casilaada madaxweynaha Soomaaliya.

Dadkii ka hadlay banaanbaxan ayaa waxa ay ugu baaqeen xildhibaanada ugu baaqay madaxweynaha in uu is casilo inay ka noqdaan baaqooda ku aadan is casilaada madaxweynaha.

Nabadoon Max’uud Axmed Xooshoow oo ka mid ahaa odayaashii ka hadllay isku soo baxa ayaa sheegay in dhawaaqa ka soo yeeray xildhibannada uusan ahayn mid u daneynaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee hadda uu u iftiimay nidaamkii dowladnimada.

Ummadda Soomaaliyeed way kasoo daaleen in maalin kasta mas’uul shaqadiisa gudanaya mooshin laga keeno, maanta waxaa ay joogtaa madaxweynaha in sabab la’aan xildhibaanno meel ku shiray ugu baaqaan in uu xilka dego, waxaan leenahay xildhibaannada wax leydiinka fadhiyay arrintan ma’aha, howlo intaa ka culeys iyo miisaan badan ayaa idin hor yaalla, waxaa leydka doonayaa marka hore in aad gudataan waajibaadka iyo mas’uuliyada aad shacabka u qaadeen, yaa idinla xisaabtama, ma’aha in aan awooda aan leedihiin ku takri fashaan, dalkana khal khal siyaasadeed la galiyo,’’ ayuu yiri nabadoon Xooshoow.

Faadumo Xaaji Afcadeyn oo ka mid ahayd haweenkii ka qeybgalay banaanbaxan isla markaana ka hadashay isku soo baxa ayaa sheegtay in laga gudbay ku-meel-gaar madaxweyne Xassan Sheekh uu dhameysanayo waqtiga loo idmaday shaqada xafiiska, waxaana ay ugu baaqday xubnaha baarlamaanka in ay dib uga noqdaan go’aanka ay qaateen.

Sidoo kale banaabax noocan oo kale ah ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Jowhar iyadoo banaanbaxaasina dadkii ka qeybgalay ay sheegeen inay ka soo horjeedaan baaqa xubnaha baarlamaanka u jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

www.xaqiiqa.com